


Abuu Muscab "Ma jirto wax saldhig Milateri oo ay duqeeyeen, goobo shacab degan ayay xasuuq ka geysteen"
Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada AMISOM ay shalay duqeyn u geysteen saldhigyo ay leeyihiin Xarakada Al-Shabaab, isagoo sheegay in goobaha la duqeeyay ay ahaayeen goobo shacab degan yahay.
"Ma jirto meelo ka mid ah Mujaahidiinta oo xarun ku leeyihiin ay duqeeyeen, nimankaas gaalada ah, waxay dad shacab ah ku xasuuqeen guryahooda, markii ay la dhaceen madaafiicda BM-ka"ayuu yiri Abuu Muscab.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay war ku heleen in Ciidamada AMISOM ay madaafiicda ridada dheer ku rakibteen meelo ay ka mid tahay Buurka Afisyooni ee Garoonkii Ciidamada Cirka Soomaaliyed.
"Madaafiicda waa weyn ee ridada dheer ee BM-ka iyo kuwa kale ayay Afisyooni saarteen, si xanuunka Mujaahidiinta iyo jabka ay u geystaan ugu aarsadaan shacabka, wixii shalay ay laayeen waan u aargudi doonaa"ayuu sii raaciyay Afhayeenka Ciidamada Shabaab.
Maalintii shalay ayay aheyd markii duqeyn socotay mudd saddex saacadood oo Ciidamada AMISOM ku wadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid ay ka gil gishay magaalada oo idil, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 5-ruux iyo dhaawaca toban kale.
Laakiin Afhayeenka AMISOM Barigiye Bahoku ayaa sheegay in weerarkaas duqeynta ay ku bartilmaameedsadeen saldhigyo Shabaab ku leeyihiin Xaafadaha Gubta, Garoonkii Ciyaaraha Muqdisho iyo meelo kale, halkaas oo uu tilmaamay inay qatar kaga soo fool laheyd AMISOM weeraro iyo abaabulo xoogan ka jireen.
Inta badan duqeymaha culus ee ay geystaan Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka dhasha qasaaro xoog leh oo dhimasho iyo dhaawacba leh, kaas oo shacabka rayidka ah uu ka soo gaaro duqeymaha indho la'aanta ah
Comments (12 posted):
Afhayeenka Ciidamada Amisom Barigye Bahuko ayaa Saxaafadad Mugadisho u sheegay inay sifeen doonaan Mucaararaadka Dowaldda Shabaab haddii ay taageero buuxda ka heleen Shacabka Soomaaliyeed.
Barigye Bahuko ayaa qiray inay haatan guulo lagu faani karo ay ka gaareen Kooxaha Shabaabka isagoo sheegay inay la wareegeen goobihii gacanta ugu jirtay islamarkaana ay haatan damacsanyihiin inay waddanka ka sifeyaan Meleshiyaadka Shabaab.
Mr Bahuuko ayaa ku nuux nuuxday in xilligan ay dhimantahay oo qura taageeriida Shacabka Soomaaliyeed isagoo u baaqay in Shacabka ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu ciribtirayo Meleeshiyaadka Shabaab si guul ay u gaarto Dowaldda FKMG Soomaaliya ayaa laga soo xigtay Afhayeen Buhuko.
Hadlka Afhayeenka Ciidmaada AMISOM ayaa kusoo beegmaya xilli dagalo xoogan ay la galeen Ciidamdisa nabad ilaailnta wadanka u jooga iyo Ciidmada Dowladda ay isku mooqif yihiin iyagoo haatan la wareegay xarumo muhiim u ahaa Shabaabka.
Ugu danabyantii hadal kan lamid ah waxaa Maalin ka hor shacabka u jediayay Madaxwaynaha Dowaldda FKMG Somaaomaaliya Sheekh Shariif oo ka codsaday Shacabka in la gaaray xilligii ay garab istaagi lahaayeen Dowaldda si loo ciribtrro Meleeshiyadka Shabaab.
Xafiiska Bartamaha.com
Afhayeenka Ciidamada Amisom Barigye Bahuko ayaa Saxaafadad Mugadisho u sheegay inay sifeen doonaan Mucaararaadka Dowaldda Shabaab haddii ay taageero buuxda ka heleen Shacabka Soomaaliyeed.
Barigye Bahuko ayaa qiray inay haatan guulo lagu faani karo ay ka gaareen Kooxaha Shabaabka isagoo sheegay inay la wareegeen goobihii gacanta ugu jirtay islamarkaana ay haatan damacsanyihiin inay waddanka ka sifeyaan Meleshiyaadka Shabaab.
Mr Bahuuko ayaa ku nuux nuuxday in xilligan ay dhimantahay oo qura taageeriida Shacabka Soomaaliyeed isagoo u baaqay in Shacabka ay ka qeyb qaataan dagaalada lagu ciribtirayo Meleeshiyaadka Shabaab si guul ay u gaarto Dowaldda FKMG Soomaaliya ayaa laga soo xigtay Afhayeen Buhuko.
Hadlka Afhayeenka Ciidmaada AMISOM ayaa kusoo beegmaya xilli dagalo xoogan ay la galeen Ciidamdisa nabad ilaailnta wadanka u jooga iyo Ciidmada Dowladda ay isku mooqif yihiin iyagoo haatan la wareegay xarumo muhiim u ahaa Shabaabka.
Ugu danabyantii hadal kan lamid ah waxaa Maalin ka hor shacabka u jediayay Madaxwaynaha Dowaldda FKMG Somaaomaaliya Sheekh Shariif oo ka codsaday Shacabka in la gaaray xilligii ay garab istaagi lahaayeen Dowaldda si loo ciribtrro Meleeshiyadka Shabaab.
Xafiiska Bartamaha.com
Thursday, March, 10-2011 COMMENTS(0) TWITTER FACEBOOK PRINT SEND TO A FREIND
Muqdisho- Duqeymaha oo loo adeegsanayey madaafiicda BM-ka ayaa si daran loogu garacaay xaafado ku teedsan wadada warshadaha iyo qeybo ka mid ah degmada Dayniile Taas Oo cabsi Daran Ku beertay Dadka Reer Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada Amisom Barigjie Bohuko Ayaa sheegay In ay Beegsadeen fariisimo Ay Ku Sugnaayeen Ciidamada Alshabaab Oo Uu xusay in Ay damacsanaayeen weerar in Ay Ku Soo qaadaan meelihii Laga qabsaday.
Bohuko ayaa intaa ku daray inay heleen xog ku saabsan in ciidamada Shabaab ay diyaarinayaan weeraro ay ku soo qaadi doonaan goobihii laga qabsaday dhawaan, wuxuuna Bohuko sheegay inay khasaare u geysteen Shabaab ayna kala carareen siduu yiri.
Ilaa Iyo Hada Lama Sheegi Karo Khasaaraha halkaas Ka Dhashay ,Amisom Ayaa waxaa Ay Inta Badan Magaalada Muqdisho ay ka geysataa Duqeen Culus Iyadoo Sheegta inay bartilaameedkooda Uu yahay Alshabaab.
Xafiiska wararaka Shacabka.net
Muqdisho-Somaliya
London, UK (Calanka.com) - 11-Marso -2011
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ka fariistay arrinta Soomaaliya, waxaana fadhigaasi looga hadlay xaaladda amni, mida bini`aadamnimo iyo waliba howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay hogaamiyaha Qaramada Midoobay mr. Mab Ki-Moon ayaa sheegay in ay maanta kaga dhowdahay Soomaaliya oo cageheeda ku istaagta mudadii 20-ka sano ee colaadu dalkaasi la dagtay.
Waxa uu amaanay howlgadda dowladda federalka iyo ciidamada AMISOM ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya isagoona ugu hambalyeeyay guulaha ay howlgalladaasi kasoo hoyeen.
Xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka ayuu ugu baaqay in la garab istaago dadaalada socda ee lagu doonayo in Soomaaliya ay dib cageheeda ugu is taagto, waxaana uu ku booriyay in gacan la siiyo dowladda soomaaliya.
Guulahan laga soo hoyay howlgalladii ugu dambeeyay waa in aan la dayicin oo la daba socdaa, sidoo kale waa in dhinacyada amniga, gar-gaara iyo adeega bulshada laga hirgeliyaa goobaha cusub ee soo galay gacanta dowladda", ayuu yiri mr. Moon .
Howlgalladii ugu dambeeyay ee guudha ku gaartay dowadda ayaa waxaa ku nafwaayay tobaneeyo ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana howlgallo la mid ah kuwa Muqdisho ay sidoo kale ka socdaan gobolada J/hoose, Gedo iyo gobolada dhexe.
Kooxda Al-Shabaab oo dagaalkan lagula jiro ayaa laga qabsaday dhowr xaafadood oo Muqdisho ka tirsan iyodaana magaalooyin dhaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliyana laga qabsaday.
Boqolkiiba 70% ayaa iminka la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay ku jirto gacanta dowladda, halka ay horay kaga sugneyd oo kale boqolkiiba 40% .
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 08-Marso -2011
Afhayeenka kooxda al-shabaab Kismayo Xasan Yacquub ayaa ku eedeeyay hogaanka sare ee al-shabaab musuqmaasuq dhanka maaliyada iyo maamulka ah iyo in ay ka gaabiyeen mas`uuliyada dusha ka saaran .
Xasan Yacquub oo lagu tirayo xaakimka gobolka jubadda hoose ayaa sheegay in hogaanka sare ee al-shabaab ku caan baxeen kali tilinimo iyo dhac aan horay loo arag oo gudaha maaliyada maamulka ah .
Waxa uu sheegay intaasi ay keeneyso in ururuka uu bur buro goobaha gacanta ay ku hayaana ay fursad u helayaaan oo qabsanayaan dowlada Somaliya .
Xasan Yacquub waxa uu sheegay in lacagta ka soo baxda dekada Kismayo loo qaado magaalada Muqdisho loona adeegsado waxyaabo aan la ogeyn oo si gaar ah loogu takri falo .
Waa markii ugu horeeysay oo mas`uul sare oo ka tirsan al-shabaab eedeyntaan tooska ah uu soo jeediyo madaxda al-shabaab ,lamana garanayo jawaabta uu ka heli doono hogaanka shabaabka .
Eedeynta uu jeedinayo mr. Yacquub ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxdiisu soo baneynayaan magaalooyin badan oo dhaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo waliba gobolka Banaadir.
Maryama (Umu Shureem)
[email protected]
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Somalia dhinac kasta haka xorowdo....cagliga…..qabiil iyo kii doonaya in uu ku xukumo....kii rabo in uu cad cad u kala jaro Somalia......Ha hogaamiyo wadanka kii ku dhisaya …….....Ha hogaamiya wadanka kii dadka isku uroorinaya....ha hogamiya wadanka .....kii u naxayo shacabkaan dhibateysa ........ha hogamiya wadanka kii umadda u balan qaadaya.........nabadgalyo........cadaalad........sinaan.......ayatiin ........cafimad…....waxbarasho........shaqo abuuris... Ha noolato Somalia
10.Mar.2011.HOMELAD.Ma ahan arrin cusub in qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Koonfurta Soomaaliya la kulmaan dhacdooyin kala duwan oo qaarkood u arkaan wax noloshooda ka mid noqday mudooyinkaan danbe.
Haweeney ka mid ah dadka Caanaha ku iibiya Deegaanka lafoole isla markaana dadeeda u muuqatay mid qiyaas ahaan 35-jir ilaa 40 jir ah ayaa sheegtay sida ay u garaaceen ciidamada Xarakada Alshabaab aanu u garaacin nolosheeda Aabaheed.
Waxay sheegtay haweeneydan iyo haween kale oo wadada hareertiisa Caano iyo waxyaabo kale ku iibinayay lagu amray in ay goobtaasi ka tagaan isla markaana goob loogu talagalay inay ganacsigoda ku wataan gaaraan
Suleeqo waxay intaasi raacisay in aysan u dhaqaaqin goobtii loogu baaqay in ay caanaha ku iibiso, laakiin ciidamada Xarakada Alshabaab oo howlgalo rondo ah ka waday gobaha ganasiga sharci darada ah ayaa waxay dhaayaha saaren haweneydan oo koox dad ah ka iibinaysay Caano, waxayna kula dhaqaaqeen in ay ul la dhacaan si mesha loogu talagalay in ay Caanaha ku Iibsato u gaarto
“Siday Alshabaab ii garaaceen xitaa Aabahay waligiis iima garaacin nolosheyda…” ayay mar qur ah ku calaacashay Suleeqo oo ka mid ah haweenka Caanaha ku Iibiya deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
[email protected]
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale
Muqdisho, SOomaaliya (Calanka.com) - 12-Marso -2011
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Calanka soo gaaray ayaa sheegaya in ay socdaan tababaro al-shabaab ay siinayaan tiro haween ah kuwaas oo ah arday jaamacadeed si loogu fuliyo weeraro is qarxin ah .
War ku soo dhacay sirdoonka dowlada oo laga helay al-shabaab ayaa sheegaya in ay jiraan macluumaad rasmi ah oo xusaya in al-shabaab doonayaan in ay adeegsadaan gabdho arday jaamacaceed ah oo xijaaban .
Isla warkaan ayaa sheegaya in sirdoon dowlada leedahay al-shabaabna ka tirsan ay soo sheegeen in haweenkaasi lagu tababarayo iminka meel u dhaw Marka iyadoo tababarkana ay gacanta ku hayaan saraakiil carbeed oo al-shabaab ka tirsan .
Warku waxa uu intaa ku darayaa in al-shabaab aysan horay dagaalada ay kula jiraan iyo weerarada ka dhanka ah dowladda u adeegsan haween .
Maryama(Umu Shureem)
[email protected]
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Post your comment