


Somali Radio
Islam Linkz
TVQURA'AN
MiniMuslims
Daarulcilmi
Waaniye
Alhidaaya
somalisunah
Somali Linkz
Aminarts.com
Alhidaaya
allceeldheer
allmuqdisho
Calanka.com
Cammaara
Cadale.com
Ceelderaad.com
Cisaleey.com
dalkanews.com
Daafeet.com
dayniile.com
Hiiraan.com
Hobyostate
Ilaqosal.com
Ilbax.com
jowhar.com
Maqaal.com
Somalisc
markacadey.com
midnimo.com
Newbanadir.com
onkod.com
qaranimo.com
Qarandoon .com
Saxafada.com
somalifans
somalinet
somaliswiss
Sosca.ca
Somalidaxorta
Wadanka.com
Xeebtaliido
Xogta.com
Xogsheeg.com
Odayo-dhaqameedka Gobalka Hiiraan oo Hub soo Qaatay yiriyna Dagaalku wuxuu u Dhaxeeyaa Muslim iyo Gaalo
Waxaa maanta bartamaha magaalo-madaxda Hiiraan, Baladweyne iskugu soo baxay odayo-dhaqameedkii Hiiraan iyo odayashii kale oo qaarkood fallaaro iyo mariid wata iyagoo leh: haddii Tigreegu leeyahay waxaan la dagaalayaa Shabaab in aan taasi aannu wax ka jirin ee dagaalku u dhaxeeyo muslimiinta Soomaaliyeed iyo kiriskaanka caalamka.
Horay odayaasha Gedo iyo Baay & Bakool baa saasoo kale yeelay. Marka maanta Tigreega waxaa la tusay in dagaalka ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Waxaa hadda nasiibdarro ah in haddeertaan Tigree jooga Dhuusamareeb, Guriceel, iyo Luuq. Puntland iyo Somaliland waxaa xukuma Tigree. Marka ma jiro cid ka reyn karta shacabka Soomaaliyeed oo Ilaahood leh..
Rate this article
Comments (6 posted):
Nairobi: (Sh. M. Network) Banaanbax looga soo horjeeday Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxaa maanta magaalada Nairobi ka dhacay baananbaxyo ay dhigayeen boqolaal qof oo u badan dadka Keenyaati ah oo ku nool gudaha dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Banaanbaxa ayaa la sheegay in looga soo horjeeday Xarakada Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, waxaana dibad baxayaasha oo ahaa dad u dhashay Kenyaan ay dalbanayeen in dowladda Kenya ay adkeyso amaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya kadib markii ay sheegeen in dagaalo saameeyay Kenya ay ka dhaceen degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku necbaysanayeen Xarakada Shabaab iyo falalka ay gaystaan ayaa Mas’uuliyiinta dowladda waxaa ay ka dalbadeen in la xaqiijiyo oo la sugo xuduuda dalka Kenya uu la wadaago Soomaaliya.
Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayeen islamarkaana ay ka codsanayeen Al Shabaab inaysan u soo talaabin gudaha dalka Kenya maadama Maamlo ka hor Shabaab ay ku hanjabeen inay ka fiirsanayaan talaabooyinka ay ka qaadayaan dowladda Kenya.
Waa banaanbaxii ugu horeeyay oo dad Keenyaati ah ay dhigaan oo looga soo horjeedo Xarakada Shabaab, waxaana dibadbaxaan uu kusoo aadayaa xili maalmo ka hor Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali dheere) iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur hadalo digniin iyo hanjabaad u muuqday ay u jeediyeen dowladda Kenya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Posted by admin on March 9th, 2011
Maleeshiyada Al Shabaab iyo horjoogayaashooda ayaa 24kii saac ee ugu dambeeyay isaga baxay guud ahaan deegaannada gobolka Gedo, kaddib markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku siqeen deegaanno hor leh oo gobolkaasi ka tirsan.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa isaga baxay Baardheere, Tuulo Barwaaqo, Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo ka wada tirsan gobolka Gedo, iyadoo la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca gobollada Baay iyo Bakool.
wararka qaar ayaa sheegayao iney faarujiyeen degmooyinka xudur iyo waajid ayagoo u ruqaansadey dhanka idaale iyo buuraha diinsoor halkaasoo ey saldhigyo dhulka hoostiisa ku leeyihiin iyo xeryo tababar iyo saldhigyo sir ah.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna oo ku sugnaa Ceelwaaq ayaa iyaguna la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca magaalada Garbahaarrey, si ay ula wareegaan, maadaama ay magaaladaasi faarujiyeen maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa si nabadgelyo ah uga qabsaday Al Shabaab inta badan deegaannada gobolka Gedo, marka laga reebo magaalada Beled Xaawo oo ay dagaal uga fara-maroojiyeen.
Arinta ugu yaabka badan ayaa ah in dhalinyaradii Somaliyeed ee Shabaabka ka tirsaneyd kuwoodii reer Hiiraanka ahaa ka baxeen magaalada iyadoo aan la garaneyn halka ay qabteen inkasta oo uu muran weyni ka jiro argagixisada dhexdooda oo qaarne diideen in shacabka aan la dhibaateyn hadii ay dagaalka diideen iyagoo og natiijada ka soo baxi karta qof la qasbay dagaal uu galay guusha laga faa'idi karo.
Inta badan ciidamadii ku sugnaa magaalada Belet weyne ayaa niyada ka jabtay kedib markii Shabaabkii ku sugnaa magaalada Tiyeegloow oo ah xadka Hiiraan iyo Bakool ciidamo joogay hal mar iskaka baxeen kedib markii looga yeeray magaalada Beydhabo sidaasi daraadeed ciidamadii ku sugnaa magaalada Belet weyne ayaa ogaaday in xili walba dhabarjabin lagu sameyn karo walwalkuna halkaas ayuu ka yimid.
Xaqiiqadii ciidamada reer Hiiraan ee xaq u dirirka ah oo dhulkooda xoreysanayo iyo kuwa hada ku haray guud ahaa magaalooyinka waaweyn ee Hiiraan State iskuma dhigmaan waayo kooxahan markoodii hore waxey ku dagaalami jireen dagaal niyada ah oo koodii dhinta uu iska dhaadhiciyey inuu janada galayo laakinse hada arintaasi meesha wey ka baxday oo niyadi ma jirto xalka ugu danbeeyana waa in gerka iyo Shaarbaha la jaro oo shacabka leysku ekeysiiyo.
Jakooda rasmiga ah
Dagaalo is xig xigay oo maalmahani ka socday magaalada Mogdisho ayaa ku dhintay inta badan taliyayaashii dagaal galin jiray ciidanka Shabaab iyo Alqacidada Somaliya waxaa kale oo lagu dilay nin u dhashay dalkaasi Bangaladesh oo isagu ahaa ninkii xakumi jiray dhamaanba ciidanka ku sugan gobolada dhexe saldhigiisuna waxuu ahaa magalada Belet weyne ninkaasi waxuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray magalada Mogdisho dhaawaciisana waxaa lagu dhameystiray isla magalada Belet weyne dhawrkii maalmood ee inadhaaftay.
Waxaa kale oo Shabaab looga dilay dagaaladii Mogdisho taliyahii ururkaasi u qaabilsanaa dhinaca kaartada oo saldhigiisu ahaan jiray magaalada Balcad oo ah magaalo muhiim u ah kooxahaan qaswadayaasha ah. Arin aan la hubin oo aan walito soo shaac bixina waxey sheegeysaa in dagaalka Shabab ay ka sii wado Somaliya ay ku kala aragti duwan yahiin hogaanka sare ee Shabaab iyo ajanibta iyaga xakuma ee Alqacida.
Qasaaraha mar hadii ay jabaan ay kala kulmi karaan kooxahaani Shacabka Somaliyeed?
Shacabku guushooda ugu weyn waa iney maqlaan in ay Shabaab jabeen kedibna ciidamda alqacida iyo Shabaab markey jabaan guryaha shacabka ayey gali doonaan kedibna Shacabka ayaa ka shaqeysanayo oo sidii xiligii maxkamadaha laguma qarin doono guryaha oo dhibaatatii ay shacabka u geysteen ayaa walita muuqata.
Dagaalka Mogdisho kaka furan ma jecla alqacidada Somaliya, laakin wey ku qasban yahiin iney galan waayo hadii ay Mogdisho ku jabaan wey og yahiin meel kale oo ay ku dhuuman karaan ineysan jirin.
Hal ku dhigyada shacabka Somaliyeed waa "waa jabeene jabiya" iyo wax la mid ah.
Isha warka Hiiraan State
[email protected]
[email protected]
·
Afhayeen u hadlay Dowladda Brundi ayaa sheegay in Kun askari dheeri ay geeyeen Muqdisho, si ay u xoojiyaan Dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, xilli Ciidamada Brundi ay dhowaan hogaaminayeen Howl galo ballaaran oo fariisimo muhiim ah lagaga qabsaday Shabaab.
Colonel Jastace Ciza Afhayeenka Dowladda Brundi u hadlay ayaa isagoo ku sugan caasimada Bujumbura waxaa uu qadka Taleefanka ugu xaqiijiyay Wakaalada Wararka ee Reuters, isagoo sheegay in Ciidamadaas ay direen si ay u xoojiyaan Ciidamadooda ku sugan Caasimada.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay u direen Muqdisho ka dhigeyso tirada Ciidamadooda ka jooga Muqdisho 4,400 askari oo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo tiradooda ay dhan tahay ilaa 8000 askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Brundi.
Bishii la soo dhaafay ayaa dagaalo ka dhacay Muqdisho waxaa lagu dilay ilaa lix askari oo Brundi u dhashay, halka askari nool ay qabsadeen Shabaab, markii dhaawac fudud soo gaaray, laakiin Diblomaasiyiinta ayaa sheegeysa in Brundi dagaaladii Bishii hore ay uga le'deen afartameeyo askari.
Ciidamada Brundi ayaa lagu tilmaamaa Ciidamada ugu xooga badan ee AMISOM, waxaana marka loo eego kuwa Uganda ay yihiin Ciidamo ka dhaqaaq iyo xirfad badan, markii dagaalo dhanka efandari ah ay si toos uga qeyb galeen, kuwaasoo ku qabsaday dhowr saldhig oo uu ka mid ahaa Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga.
Isku dayga AMISOM ee ku aadan la wareegida Caasimada Muqdisho ayaa tan iyo horaantii sanadkan u soo muuqanayay si dhab ah, kadib markii Ciidamada AMISOM ay bilaabeen dhaq dhaqaaq is fidin ah, oo ay ku tageen goobo aanay horay u joogin.
Kunkan askari ee hor leh ay soo dirtay Brundi ayaa waxay imaanshahooda Caasimada Muqdisho ku soo aadeysaa xilli dagaalo ay ka soconayaan Caasimada, kaas oo Dowladda KMG iyo AMISOM ku doonayaan inay Caasimada Muqdisho kula wareegaan.
Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
[email protected]
[email protected]
Post your comment