


Tiro dad ah oo ku geeriyootay duqeyn ciidamada AMISOM ay u geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho .
Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay duqeyn Barqanimadii maanta loo geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho taasoo la sheegayo in ay geysteen ciidamada AMISOM ee taageeraya dowlada Somalia.
Waxaa la maqlayey barqanimadii maanta madaafiic aad u xoog badan oo dul maraysey magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybaha ay dowladu ka taliso, kuwaasoo ka soo ka dhacayey saldhigyada ciidamada AMISOM, waxaana madaafiicdaasi ay ku hoobaneysay degmooyinka ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Somalia ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Waxaa ka mid ah goobaha ilaa hadda la sheegay iney ku dhaceen madaafiicdaasi xaafado ka tirsan degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid, Dayniile, Gubta, iyo xaafada X/jadiid ee degmada Wardhiigley, sidoo kale nawaaxiga garoonka kubada cagta ee Istadyum Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha sida aadka ah loo duqeeyey halkaasoo ay ku yaalaan fariisimo ay Xarakada Al shabaab leedahay.
Hase ahaatee duqeyntan ugu daran ayaa loo geystay suuqa Bakaaraha iyo hareerihiisa oo ay ku habsadeen madaafiic aad u fara badan oo qasaare badan geystay waxaana ku geeriyooday inta la xaqiijiyey suuqa bakaaraha ugu yaraan 7 ruux oo rayid ah halka tiro kale gaareysa 12 ay ku dhaawacmeen sida dad goob joogayaal ah oo suuqaasi ku sugan ay sheegeen.
Sidoo kale 4 ruux oo rayid ah ayaa la soo sheegay iney ku dhinteen duqeymaha loo geystay magaaalada inteeda kale halka tiro kale oo intaa badana ay ku dhaawacmeen, waxaana ay ka ka mid ahaayeen qoysas teel teel ah oo ku noolaa deegaanada la duqeeyey, waxaana dadka dhaawacmay u gurmaday gaadiidka gurmadka deg deg ah oo u daabulay isbitaalka dayniile.
Ma cadda ilaa hadda sababaha keenay duqeyntaasi oo ku soo beegantay xili maanta dagaalo waaweyn aaney ka jirin magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa hadda uusan jirin war ku saabsan duqeyntaasi oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia, waxaana ciidamada AMISOM lagu eedeeyaa xili kasta iney si aan kala sooc laheyn u duqeeyaan meelaha shacabku ku badan yihiin.
Comments (4 posted):
lkin ilaah ayaa garan waqtiga aay qaadan doonto lakin waa hubaal mar uun.runtii reer muqdisho waa dad dulqaad badan samir badan leh niyad fiican aaminsana mar uun inaay heli doonaan amaan buuxa ilaahna niyadaas fiican haka aqbalo, waan ognahay majirto magaalo ama caasimad aay kadhcaday waxa muqdiso kudhay,Hadii aay ahaan lahayd Baqdaad Kabul.
duqeyntii maanta waxaa ku dhintay caruur hooyooyin odayaal.aan waxba galabsan kama tirsaneyn AL_SHBAAB AM TFG iyo weliba AMISOM midna ilaah ayaa u maqan ilaah na ha u naxariisto waa hu baal waxaa dilay gacan kagardaran oo cadow ah.20 sano ayaa hadal lahaayaay lkin ilaah ayaa haaya xalka somlaia koley somaliyo garanweysay danteeda.
Muqdisho-hobyonet) Afhayeenka ciidamada Amisom Bridge Bahuko ayaa beeniyey warar soo baxay oo sheegaya inay maanta duqeeyeen fariisimo ay dad shacab ah deganyihiin.
Afhayeenka oo wareysi siiyey wakaaladdaha wararka ee caalamiga ah ayaa waxaa uu sheegey inay garaaceen oo keliya fariisimo ay al-shabaab ku leeyihiin goobo badan oo muqdisho ka tirsan ka dib markii ay ka warheleen dhaq dhaqaaqyo ay wadaan xarakada al-shabaab sida uu yiri.
Hadalka afhayeenka ayaa waxaa uu yimid ka dib markii maanta ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada muqdisho ay duqemo ka geysteen goobo faara badan oo da rayid ah deganyihiin waxaana ka mid ah xaafado ka tirsan Yaaqshiid, Deyniile nawaaxiga garoonka kubadda cagta, Gubta suuq baacaad iyo meelo kale, waxaana halkaasi qasaare ka soo gaarey tiro dad ah oo lagu qiyaasey 7-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac intaa ka badan.
Inta badan duqeynaha ay ciidamada AMISOM iyo kuwa al-shabaab ka geystaan magaalada muqdisho waxaa qasaare dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaraa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyadoo dhinacyaduna ay beeniyaan inay iyaga ka danbeeyeen.
Post your comment