


M/weyne DFKG ee Somaaliyeed Sh.Shariif oo mar kale booqday jiida hore ee dagaalka (Daawo Sawirada)
Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday qaar ka mid ah goobaha ay isku hor fadhiyaan ciiadmada dowladda KMG iyo Al-Shabaab gudaha magaalada Muqdisho.
Booqashada M/weyne Shariif ee dhufaysyada ciidamada dowladda waxaa ay timid xilli dagaalo culus ay wali ka jiraan magaalada Muqdisho, iyadoo qeyb ay ka yihiin dagaaladaas ciidamada AMISOM.
Saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa u sheegay warbaahinta inuu booqday M/weyne Shariif dhufaysyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee degmada Hodan.
Madaxweyne Shariif ayaa maalmo ka hor waxaa la sheegay inuu booqday xarunta wasaaradii gaashaan dhigga, oo dagaal culus ay ku qabsadeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale waqtiyo kala duwan booqday dhufayo kale.
Ciidamada dowladda KMG ayaa wuxuu ugu baaqay in ay kordhiyaan dadaaladooda si ay uga takhalusaan Al-Shabaab.
Comments (3 posted):
Muqdisho, Soomaaliya (Calanka.com) - 08-Marso -2011
Afhayeenka kooxda al-shabaab Kismayo Xasan Yacquub ayaa ku eedeeyay hogaanka sare ee al-shabaab musuqmaasuq dhanka maaliyada iyo maamulka ah iyo in ay ka gaabiyeen mas`uuliyada dusha ka saaran .
Xasan Yacquub oo lagu tirayo xaakimka gobolka jubadda hoose ayaa sheegay in hogaanka sare ee al-shabaab ku caan baxeen kali tilinimo iyo dhac aan horay loo arag oo gudaha maaliyada maamulka ah .
Waxa uu sheegay intaasi ay keeneyso in ururuka uu bur buro goobaha gacanta ay ku hayaana ay fursad u helayaaan oo qabsanayaan dowlada Somaliya .
Xasan Yacquub waxa uu sheegay in lacagta ka soo baxda dekada Kismayo loo qaado magaalada Muqdisho loona adeegsado waxyaabo aan la ogeyn oo si gaar ah loogu takri falo .
Waa markii ugu horeeysay oo mas`uul sare oo ka tirsan al-shabaab eedeyntaan tooska ah uu soo jeediyo madaxda al-shabaab ,lamana garanayo jawaabta uu ka heli doono hogaanka shabaabka .
Eedeynta uu jeedinayo mr. Yacquub ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxdiisu soo baneynayaan magaalooyin badan oo dhaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya iyo waliba gobolka Banaadir.
Maryama (Umu Shureem)
[email protected]
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
London, UK (Calanka.com) - 11-Marso -2011
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ka fariistay arrinta Soomaaliya, waxaana fadhigaasi looga hadlay xaaladda amni, mida bini`aadamnimo iyo waliba howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyo gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
Fadhigan oo uu shir gudoominayay hogaamiyaha Qaramada Midoobay mr. Mab Ki-Moon ayaa sheegay in ay maanta kaga dhowdahay Soomaaliya oo cageheeda ku istaagta mudadii 20-ka sano ee colaadu dalkaasi la dagtay.
Waxa uu amaanay howlgadda dowladda federalka iyo ciidamada AMISOM ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya isagoona ugu hambalyeeyay guulaha ay howlgalladaasi kasoo hoyeen.
Xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka ayuu ugu baaqay in la garab istaago dadaalada socda ee lagu doonayo in Soomaaliya ay dib cageheeda ugu is taagto, waxaana uu ku booriyay in gacan la siiyo dowladda soomaaliya.
Guulahan laga soo hoyay howlgalladii ugu dambeeyay waa in aan la dayicin oo la daba socdaa, sidoo kale waa in dhinacyada amniga, gar-gaara iyo adeega bulshada laga hirgeliyaa goobaha cusub ee soo galay gacanta dowladda", ayuu yiri mr. Moon .
Howlgalladii ugu dambeeyay ee guudha ku gaartay dowadda ayaa waxaa ku nafwaayay tobaneeyo ka tirsan ciidamada AMISOM, waxaana howlgallo la mid ah kuwa Muqdisho ay sidoo kale ka socdaan gobolada J/hoose, Gedo iyo gobolada dhexe.
Kooxda Al-Shabaab oo dagaalkan lagula jiro ayaa laga qabsaday dhowr xaafadood oo Muqdisho ka tirsan iyodaana magaalooyin dhaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliyana laga qabsaday.
Boqolkiiba 70% ayaa iminka la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay ku jirto gacanta dowladda, halka ay horay kaga sugneyd oo kale boqolkiiba 40% .
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Afhayeen u hadlay Dowladda Brundi ayaa sheegay in Kun askari dheeri ay geeyeen Muqdisho, si ay u xoojiyaan Dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, xilli Ciidamada Brundi ay dhowaan hogaaminayeen Howl galo ballaaran oo fariisimo muhiim ah lagaga qabsaday Shabaab.
Colonel Jastace Ciza Afhayeenka Dowladda Brundi u hadlay ayaa isagoo ku sugan caasimada Bujumbura waxaa uu qadka Taleefanka ugu xaqiijiyay Wakaalada Wararka ee Reuters, isagoo sheegay in Ciidamadaas ay direen si ay u xoojiyaan Ciidamadooda ku sugan Caasimada.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay u direen Muqdisho ka dhigeyso tirada Ciidamadooda ka jooga Muqdisho 4,400 askari oo qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo tiradooda ay dhan tahay ilaa 8000 askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Brundi.
Bishii la soo dhaafay ayaa dagaalo ka dhacay Muqdisho waxaa lagu dilay ilaa lix askari oo Brundi u dhashay, halka askari nool ay qabsadeen Shabaab, markii dhaawac fudud soo gaaray, laakiin Diblomaasiyiinta ayaa sheegeysa in Brundi dagaaladii Bishii hore ay uga le'deen afartameeyo askari.
Ciidamada Brundi ayaa lagu tilmaamaa Ciidamada ugu xooga badan ee AMISOM, waxaana marka loo eego kuwa Uganda ay yihiin Ciidamo ka dhaqaaq iyo xirfad badan, markii dagaalo dhanka efandari ah ay si toos uga qeyb galeen, kuwaasoo ku qabsaday dhowr saldhig oo uu ka mid ahaa Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga.
Isku dayga AMISOM ee ku aadan la wareegida Caasimada Muqdisho ayaa tan iyo horaantii sanadkan u soo muuqanayay si dhab ah, kadib markii Ciidamada AMISOM ay bilaabeen dhaq dhaqaaq is fidin ah, oo ay ku tageen goobo aanay horay u joogin.
Kunkan askari ee hor leh ay soo dirtay Brundi ayaa waxay imaanshahooda Caasimada Muqdisho ku soo aadeysaa xilli dagaalo ay ka soconayaan Caasimada, kaas oo Dowladda KMG iyo AMISOM ku doonayaan inay Caasimada Muqdisho kula wareegaan.
Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
[email protected]
[email protected]
Post your comment