


Maxkamada sare oo go'aamisay in dacwada Maxamed Dheere loo wareejiyo Maxkamada Gobolka Banaadir (Aqri-Qoraalka)
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dowladda KMG oo maanta ka soo baxday wareegto ayaa lagu sheegay in maxkamada Ciidamada qalabka sida aanay sharci u laheyn qaadista Dacwada loo heysto Maxamed Dheere.
Wareegtada Maxkamada sare ayaa lagu qeexay in sharciga aanu ogolaaneyn qaadidada dacwada Maxamed Dheere oo Dowladda KMG u xiran dhowr iyo labaatan cisho.
Go'aanka Maxkamada Sare ayaa lagu sheegay inay go'aamisay in dacwada Maxamed Dheere loo soo wareejiyo Maxkamada Gobolka banaadir.
Qoraalka oo laga ambaqaadayay qoraal uu soo gudbiyay Qareenka u doodayay Maxamed Dheere ayaa lagu sheegay in Maxamed Dheere uu yahay nin shacab ah, isla markaana aanu aheyn askari sida lagu sheegay qoraalka.
Go'aanka Maxkamada sare ka soo baxday ayaa daba jooga go'aan shalay ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, kaas oo lagu farayay Maxkamada Ciidamada qalabka sida inay u soo gudbiso Kiiska Maxamed Dheere Maxkamada Gobolka banaadir.
Hadaba qoraalka Maxkamada Sare ayaa u qornaa sida:-
Comments (3 posted):
Marka tarsan aabihii fadhi kudirirka ee paltalk maxuu kafaaiidey xiridii m.dheere nothing i say nothing oo aan ka'eheen cadow badan also meesha ma'hin jawiil it too difficult to ......how about hiro maxamed dheere waxuu mudeystey bilad geesi nimo iyo magdhow oo ah daily intuu xirna oo ah one million a day otherwise warsanstar mailowidonan sharaf kadhici lagusameyey leaderkooda.
Tratsan sharciaga ishorkeen ee qiro dinbigaada sidaad ukala badbaadiso labada beelood.
dhiibo fikirkada saliimka ah.
Post your comment