citizen_709627969.jpg Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | News | Abu Mansur Al-Imriki oo la sheegay in lagu dilay dagaalada Muqdisho.

    Abu Mansur Al-Imriki oo la sheegay in lagu dilay dagaalada Muqdisho.

    Font size: Enlarge font

    Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka aduunka, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha ajnabiga ah ee kooxda Al-Shabaab kaasoo lagu magacaabay Omar Hammami oo ku magac dheeraa “AL-AMRIKI”.
     

    Warkan ayaa waxaa wakaaladda wararka AP u sheegay wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Abdihakim Mohamud Haji Fiqi kaasoo wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlayay howlgalladii ugu dambeeyay siiyay wakaaladaasi AP.

    Wasiirka ayaa sheegay in warkaasi wali si dhab ah loo xaqiijin karin maadaama aysan hayn wax meyd ah, balse waxa uu sheegay in ay hayaan xog-sireed arrintaasi ku aadan.

    Sarkaalkan ayaa ku biiray kooxda Al-Shabaab sanadkii 2007-dii, waxaana uu iska badalay magicii isagoona la baxay Abumansur Al-Amriki.


    Al-Amriki ayaa lagu daray dhowr gabdhood oo soomaali yar-yar ah kuwaasoo uu qaarkood furay, qaarna wax ka dhalay.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    faaduma on 08 March, 2011 06:01:04
    scw waxaan lahadlayaa ninka qoray wabkaan boondheere waxaan kuu sheegayaa shariif mahaduu xumaaday markuu siisii ku dilaayay dadka kasoo jeedo waqoo yiga muqdisho waa riyaaqeesay sidaan warkaada ka dhee hanaayo laakiin markuu wax naqday adna dantaada aad weesay miyaad xanaaqaday wax magarte aan aqoon buuxda laheen ayaad tahay shariif wuu xunyahay laakiin waxaa kadarn ninka keenay xaaraamiga ladilay ee gabdhaha soomaalidaa qaarna furay qaarna qabo ee xooga kguursaday qabid maba jirtee waa xoogee kaas ayaa fiican sow maaha ani waxaan uarkaa adi iyo shariif maxamed dheere cali tubaako cali maxamuud raage iyo kuwakalee badan qanyare isku danbi ayaa tihiin waxba isma dhaantaan waxaan ku faraxsanahay in ladilo cadawga dalka ku soo duulay waa ameerikiye iyo axmaaro waa isku mid waxba isma dhaamaane ninkii muslima dhibaana sidii al shabaab ayaa udan beeneeso inshaa alaah wiilal yaryar ayaa gacmaha kajarteen inshaa alaah maxkamad ayaa idin sugee hadaad mida aduunyo seegto tii aaqiraa ku sugaa maalin ayaa xisaab jirtaa aan lees inkireen wabilaa toowfiiq
    Saciid on 09 March, 2011 03:19:18
    Adiga Faadumo guurkii ayaad weyday baan u maleeynayaa oo waxaad noqotay guumeeys camal xun.
    Adan on 09 March, 2011 05:17:01
    Saciid I agree with you ishaad farta ka galisay wax magaratadaan.
    Ali on 09 March, 2011 07:56:12
    Saciid iyo Adan laba qof oo waxaa tihiin wax iska soo qoray oo keliya balse umasooqorina qormo anshah ah.Mida qowaad waxaan umaleynayaa dhaqn in uusan aheen in gabar loogafo.Mida labaad idinka maadan ka ilbaxin miya faduusha iyo mala'awaalka qiyalika ku saleesan.Ilmaha ilaah baa bixiya oo qof isu haayo isaka ilmo majiro.Fikirkiina qofki kasoo horjesdo iin usan laheen miyad usameyneysa?

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0