


Indhocadde oo markuu Maxamed-dheere Xabsi ku Hubsaday usoo Dhigtay Saraakiil kale Isagoo leh: Hub bay Gataan
Sida la wada ogyahay hadduu jiro qof munaafaq ah oo is bedbeddela waxaa koow ka ah Indhocadde. Maxamed-dheeraha iyo saraakiisha kale ee uu leeyahay hub bay gateen waxay taagnaayeen mowqifkoodu markii Indhocadde sheegan jiray Mujaahid.
Maaddaama Indhocadde sheegan jiray mujaahid ka soo horjeeday Tigreega wuu yaqaannay ganacsiga suuqa hubka ee Cirtoogte. Hub-iibsigu ma aha wax ku cusub Soomaaliya. Qof kastaa hub iska iibin kara. Reer baadiyahaa kala iibsada. Ganacsatadaa kala iibsida sidoo kale maryocalastaa iibsata. Marka Indhacadde wuxuu farta ku fiiqayaa saraakiishii uu yaqaannay waaguu Maxkamadaha sheegan jiray oo ay wax kala gadan jireen! Marka jaasuus faa’iido ma leh. Cid kasta waa dhibayaa. Mujaahidiintuu isku dayey inuu sirahooda bixyo. Sidoo kale kuwii Amisom hoos jooggay buu hadda u soo dhigtay. Indhocadde wuxuu dhibaa hadba kuwuu la joogo. Ilaah baa ka soo saaray Mujaahidiinta.
Marka hadda maleeshiyaad badan oo rabin inay Shabaab u galaan baa hadda Indhocadde dartiis laga yaabaa inay u galaan Shabaabka. Waxaan shaki ku jirin in qabiillada Shariifku ka dhashay badankoodu diideen dagaalka ooy dhaheen: Indhocadde hakuu galo.
Marka Indhocadde kooxduu la jiro baa jabku ku dambeeyaa. Siduu u jabshay Midowgii Maxkamadaha ayaa la filayaa inuu u jabsho maryocalasta.
Comments (6 posted):
INDHA CADE WUXUU KA MID YAHAY KUWA GAADALA LASHAQEEYA OO JAAJUUSKA U AH. ILAAH KU SOO QABAY, AMIIN
MUQDISHO(KEYDMEDIA) Yuusuf Siyaad indhacade oo dhawaan sheegtay inuu yahay korneel ciidamada ka tirsan ayaa sheegaya in ay jiraan saraakiil dowlada ka tirsan oo hubka iibsata.
“ lagama yeeli doona kuwa iibsada hubka qaranka loogu tala galay, waxaana hadda kadib socon doona howl gal lagu baacsanayo dadka arimahaasi ku lugta leh” sidaa waxaa yiri Yuusuf indhacade oo warbaahinta la hadlay xili maxkamada milatariga ay xukun ku rideysay eedeysanayaal.
Waxa uu xusay in ay ogyihiin oo la socdaan qaababka ay ku shaqeeyaan dadka howlahaasi ku jira isagoona sheegay in xittaa qaarkood ay shabaab xiriir la leeyihiin.
Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xili ay sii socdaan dagaalada u dhaxeeya dowlada iyo amisom iyo xarakada shabaab isla markaana dowlada ay sheegtay in ay aad usoo badanayaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka.
WWW.KEYDMEDIA.NET
More News
waxuu lamid yahay nin hada kahor anagoo yar yar aan ugu waci jirney jango maamilwalba dhar kala nooc ah oo duluf ahuu sooxiran jirey marka indha cade waa ninki jango oo kale kiiiiiikiiiii waa waalan yahay ha'ubixin
Post your comment