

Golaha dhaqanka Hawiye oo ka horjeestay in maamul loo dhiso gobolka Banaadir.
Iyadoo ay maalmihii ugu dambeeyay soconayeen dadaallo ay wadaan qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda federalka Soomaaliya oo ku aaddan dhisidda gole deegaan oo soo doorta maamul uu yeesho gobolka Banaadir kaddib markii uu meesha ka baxay maamulkii hore ee gobolka Banaadir oo uu horkacayay Maxamed Dheere ayaa waxaa soo baxaya diidmo ay muujinayaan qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah.
Afhayeenka golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in xilligan la joogin xilligii maamul loo dhisi lahaa gobolka Banaadir, isagoo hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la sameeyo maamul ay u dhan yihiin bulsho weynta ku dhaqan gobolka Banaadir.
Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu sheegay in dhismo maamul gobol Banaadir ay ku xiran tahay xallinta iyo dhameynta dadka siyaasadda isaga soo horjeeda ee ku dhaqan gobolka Banaadir, taasoo fure u noqon karta horumar iyo wada shaqeyn buuxda ee dhex marta shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo MIdnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka digay in haddii aan ra’yi lagu mideysan yahay lagu dhisin maamulka gobolka Banaadir uu yeelanayo uu maamulka la dhisayo mari doono waddadii uu maray kii ka horeeyay ee uu horkacayo Maxamed Dheere.
Comments (0 posted):
Post your comment