

Xoogagga maxkamadaha islaamka oo weeraro xooggan ku qaaday xarumaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowaladda ay ku leeyihiin warshadda Baastada.
Iska hor imaad culus ayaa saakay waabarigii daqiiqado kaddib salaadda subax ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dhismaha Xayle Bariise, Warshadda Cocacola, Warshadda Baastada iyo Ex-control oo fariisin u ah ciidamada Itoobiya iy kuwa dawladda federalka Soomaaliya.
Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ku billowday madaafiicda garbaha laga tuuro ee loo yaqaano baasuukaha iyo hoobiyayaasha oo ay xoogagga Maxkamadaha la beegsadeen fariisimadaasi ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka ku leeyihiin goobahaasi, iyadoo kaddibna dagaalka uu isku beddelay fool-ka-fool oo waqti isku mid ah ka billowday afar jaho oo kala duwan.
Intii uu dagaallkaasi socday ayaa waxaa barbar socday madaafiic ay is waydaarsanayeen labada dhinac, waxaana tiro madaafiic ah oo laga soo riday dhinaca Warshadda Baastada ay ku dhaceen guryo ay dadku ka barakaceen, mana jiraan wax qasaare ah oo ay gaarsiiyeen dad rayid ah.
Afhayeenka xoogagga Maxkamadaha ee dhinaca Hawl gallada C/raxiin Ciise Caddow oo la hadlayay saxaafadda saakay ayaa sheegay in xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ay ka dambeeyeen dagaalka saakay ka dhacay fariisimada ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka ku leeyihiin Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo Cocacola.
Sheekh C/raxiin Ciise Caddow wuxuu sheegay in ilaa 8 madaafiic ay ku weerareen xarumahaasi, isla markaana ay ku guuleysteen inay jiiraan dhufeysyada ay habeenkii ka sameystaan goobahaasi, wuxuuna intaasi ku daray inay mujaahidiinta ay indhahooda ku arkeen qaar ka mid ah maydadka ciidamada cadowga, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Comments (0 posted):
Post your comment