


C/qani Jeenyo oo loo magacaabay la-taliyaha Farmaajo ee Dhalinyarada & Isboortiga (Daawo Dukumentiga)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xil la-taliyenimo u magacaabay C/qani C/llaahi Hilowle (C/Qani Jeenyo) oo ah Guddoomiyaha Dhalinta cusub ee Soomaaliyeed (Somali New Generation).
Ra’iisal Wasaaraha ayaa C/qani Jeenyo u magacaabay la-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha ee Arrimaha Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana lagu doortay sida ku xusan Dikreetada lagu magacaabay aqoon uu arrimahaas u leeyahay.
C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo) oo ka mid ahaa Naadigii Kubadda Kolayga Jeenyo ayaa in muddo ah waxaa uu ku howlanaa Horumarinta Dhalinyarada iyo Isboortiga, wuxuuna dalka dibaddiisa ka aas-aasay Kooxo Isboorti, halka uu caawiyo Kooxo ka dhisan dalka Soomaaliya gudahiisa.
Dhanka kalena, C/qani Jeenyo ayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Faarmaajo) uga mahadceliyay xilka uu u magacaabay, isagoo Allaah ka baryay in uu u fududeeyo xilka loo magacaabay.
Comments (11 posted):
maasha allaah xilka laguu magacaabay allaha kuu fududeeyo adna allaha kaa dhigo walaalkii noqda furihii wadaninimada amiin yaa rabbi
Nard ~ That’s a great idea, to write down all the ideas that occur to you. Then, pick the ones that fit your personality, mission, career or blog goals, or style…that’s a great way to approach it.
Post your comment