

Maxamed Dheere "Nuur Cadde wuxuu xiriir la leeyahay Al-shabaab barkee lama duqeeyo marka uu garoonka ka soo dagayo"
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maamulkii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa ka dhawaajiyey in Ra'isulwasaare Nuur Cadde uu xiriir wada shaqeyneyd la leeyahay koox diimeedka Al-shabaab.
Maxamed Dheere oo u waramayey mid kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya Al-shabaab iyo Nuur Cadde uu yahay mid muuqda oo aan qarsooneyn islamarkaana uu jiro xiriir wada shaqeyneyd oo ka dhexeeya Al-shabaab iyo Nuur Cadde.
"Nuur Cadde wuxuu xiriir la leeyahay Al-shabaab barkee lama duqeeyo marka uu garoonka ka soo dagayo oo si nabad ah ayuu garoonka uga soo dagaa ugana duulaa" ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere wuxuu intaas raaciyey in xiriirka ka dhexeeya urur diimeedka Al-shabaab iyo Nuur Cadde uu yahay mid soo jireen ah islamarkaana uu bilowday markii uu xilka qabtay Ra'isul wasaare Nuur Cadde.
Hadalka Maxamed Dheere oo aan aheyn mid cusub ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro shaki la xiriira sababaha aan loo duqeyn Ra'isuwasaaraha marka uu garoonka ka duulayo iyo marka uu soo dagayaba.
Comments (2 posted):
Post your comment