Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Dagaal xooggan oo saaka kadhacay qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho.

    Dagaal xooggan oo saaka kadhacay qeybo kamid ah degmooyinka Muqdisho.

    Font size: Enlarge font

    Dagaal qaraar ayaa saaka waaberigii xoogagga Maxkamadaha islaamka iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah oo isku dhinac waxa uu ku dhexmaray qeybo kamid ah degmooyinka Yaaqshid, Hurwaa, Wardhiigley iyo Kaaraan.

    Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayaa waxa uu markii hore ku bilowday madaafiic lagu duqeeyey xarumaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda, waxaana markaa dabadeed goobaha qaar kabilowday dagaal fool kafool ah oo ay dhinacyada dagaalamaya isweydaarsanayeen.

    Si cad looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee afhayeenka dhanka howlgalada Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegtay in qasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

    "Dagaalka Mujaahidiinta waxaa kaga dhaawacmay seddax wiil, cadowgana jab ayaan u geysanay markii markii mujaahidiinta qeybtooda jugta culus ay madaafiic kabadan 20 ay ku garaaceen xarumaha cadowga" ayuu yiri C/raxiin Ciise Cadow afhayeenka dhanka howlgalada Maxkadaha islaamka.

    Dhanka taliska ciidanka dowladda KMG ah wax war ah kama soo bixin oo la xiriira dagaalka, waxaana warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in dagaalka uu khasaare ka soo gaaray ciidamada isgarabsanaya ee dowaldda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.

    Goobo ay kamid ahaayeen Warshadda Baastada, Xeyla-bariise, Fagax, Sii Sii, Ceymiska iyo Cali Kamiin ayey xoogagga Maxkamadaha islaamku ku qaadeen dagaallo xooggan.

    Si kastaba ha ahaatee maalintii shalay ayey aheyd markii dagaallo qaraar ay ka dheceen deegaano katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan KM4 iyo degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0