


Dagaal u dhexeeya dowladda KMG, ciidanka AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacay
Dagaal u dhexeeya ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ka jeeda iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha uu geystay.
Weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday saldhigyada AMISOM ee degmada Hodan, ayaa sababay inay dagaalladu qarxaan, waxaan wararka qaarkood ay sheegayaan in madfac ku dhacay degmada Howlwadaag uu sababay dhimashada laba qof iyo dhaaac intaas ka badan.
Dagaalka, ayaa ahaa mid ay barbar socdeen duqeymo culus, kuwaasoo ku dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay halkaas ka geysteen, sidoo kalena lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ka socday dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidammada dowladda oo gacan ka helyay kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalladaas ku dhintay in ka badan 70-qof oo rayid ah, iyadoo tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen.
Howlwadeenka gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho, ayaan sheegin wax dhaawacyo ah oo ay qaadeen, waxaana sidoo kale ka gaabsaday dagaalkaas inay ka hadlaan dhinacyada ay colaaddu u dhexeysay.
Xarrakatul Shabaab, oo inta badan Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya gacanta ku haysa ayaa waxay dagaallo xooggan kula jirtaa dowladda Soomaaliya oo maamusha qayb yar oo Muqdisho ka tirsan, iyo ciidammada difaaca ee AMISOM.
Comments (10 posted):
Post your comment