


Axmed Diiriye "Maxkamada Ciidamada qalabka sida yeysan ku deg degin dilka wiil madaxa looga jiro"
Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa ka dalbaday Maxkamada Ciidamada qalabka sida inay ka fiirsato dil toogasho ah oo dhowaan ay ku xukuntay wiil dhalinyaro ah oo dhowaan loo qabtay Bam gacmeed lagu tuuray Saldhiga Afar Irdood ee degmada Xamar weyne.
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in wiilkaas uu ahaa mid madaxa looga jiro, isla markaana loo baahan yahay in aan lagu deg degin dilka wiilkaas.
"Waxaa isoo gaartay in wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ay qabteen Ciidamada in dhowaan xukun dil lagu fulin rabo, waxaa soo eedeeyay ciidamada waxay dhaheen wuxuu tuuray Bam, ninkaas waa qof waalan, xilliga la qabanayay waxaa uu u socday quraan saar"ayuu yiri Axmed Diiriye.
Axmed Diiriye ayaa intaa ku daray in waalidiinta dhalay wiilka ay sheegeen in wiilkooda madaxa looga jiro, hase ahaatee waxaa uu ku taliyay in loo baahan yahay in la baaro wiilka dhalinyarada ee madaxa looga jiro, isagoo xusay in markii la qabanayay uu wiilka cararay, sidaasna ay Ciidamada Dowladda u qabteen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiilkan oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ayaa ku heyb ah Nabadoon Axmed Diiriye, iyadoo Maxkamada Ciidamada qalabka sida dhowaan ay ku fulisay wiilkaas xukun dil toogasho ah.
Todobadii bishan ayay aheyd markii Maxkamada Ciidamada qalabka sida ay fulisay xukun dil ah oo askari horay u dilay askari kale lagu toogtay fagaaraha School Polizio.
Comments (17 posted):
WAXAAN KA JIRICOODAA ODAYGAAN MAGACA HAWIYE QALADKA U WATO OO MAR WALBA HADAL QALDAN KA SOO YEERO,MAANTANA WUXUU KEENAY IN UU FARA GASHTO HOWSHA DAWLADDA XISHOOD DARADIISA,HADANA YIRAAHDO NIN DAMBIILA AH OO DAD BADAN DHAAWACAY YAAN LA XUKUMIN.MARKA HORE ODAYGAAN WAALAN BEESHAAN UU MADAXA U YAHAY XAGEE JOOGAAN,WAA BEEL WAA HORE KALA TAKTAY,NABADOON WAXBA KAMA OGID EE DADKA SOOMAALIYEED EE AAD GURYAHOODA KU NOOSHAHAY KA BAXA ADIGA IYO KUWA KULA MID AH,WAXAA TAHAY ODAY XAMAR U JOOGA DULMI IYO DAWLAD NACEEB.GACAN KU DHIIGLAHA AAD QARAABADA TIHIIN KAMA FIICNA KII DORAAD LA TOGTAY.XAQA ALLAHA KU TUSO CIMRI KUUMA DHIN-NEE.
waqtigii itoobiya xamar joogtay waan ogayn iaysan kaa ahayn qaran difaac ee waxad difaaci jirtay mooryaantiina?
waana oglayn si kasta wax u difaac in cadawga laga difaaco wadanka.
waa iga talo meelnaga fadhiiso hada, hadii kalae iska nac naclee meelaha xishood ma taqaanaan oo waa u dhalatayee?
WAQAY KU HOOGAANEE.
Aniga xamali waxaan u aqana shaqo oo ceeb ilama ahan ee waxaa ceeb ah laba wajiilanimada ee merna ruuxa dad ruuxa uxika eeda kaduwaaya dadka kale uduwaaya weey isimanyihiin leh dadka oo dhan.Somalida wexeey tirahda nin gool jabshay waa geed kholof kadhacday.Ninkan weeyn ee sheganaya oday weel khalad kalay difacayo dhaqan wayeel maahan waa dhaqan ciyalasuuq.Marka yesan runta idin gubin isaka oo kale in aad kafaantan ayeey aheed hadii idinkana aadan aheenina sidiisa oo kale.
Odaygaa dhiigya cabka ah oo aad moodo doofaar gaajeeysan yaan waqti lagu luminin waa oady ku dhashay meel aan la aqoon waxeey tahay DAWLAD,sida uu sheegay CAYAAL DUDAAYE odayga qaadka ayaa ku kala go.ay.
Post your comment