


Ethiopia oo Sir ku saabsan dagaalada Somalia siisay Mareykanka.
Ethiopia waxa ay kooxda Ahlu-Sunna Wal Jamaaca ee dalka Somalia u aragtaa mid muhim u ah xasiloonida dalka iyo ka guuleysashada Al-Shabab, warbixino ayaa sidaas sheegay.
Qeyb ka mid ah warbixino sir ah oo uu faafiyay website-ka Wikileaks oo laga helay saraakiisha Dowladda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday sir Ethiopia ay siisay Mareykanka oo ku saabsan xaaladda iyo dagaalada ka scoda dalka Somalia.
Madaxa Sirdoonka iyo amniga qaranka Ethiopia, Getachew Assefa, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu taageeri karo xasiloonida dalka Somalia ay tahay ayada oo gacan la siiyo Kooxda Ahlu-Suna Waljamaaca, oo ay Ethiopia u aragto inay soo jiidato taageerada dhammaan qabaa’ilada Soomaalida, gaar ahaan kuwa dagaaladu ka dhaxeeyaan.
Ethiopia ayaa la dhacsan dagaalka Ahlu-Suna ay kula jirto Al-Shabab, kaasi oo ay ku sheegtay mid miro dhal ah.
Waxaa aad loo rumeysan yahay in Ethiopia ay tahay taageeraha ugu weyn ee kooxda Ahlu-Suna, ayna ku taageerto hub iyo maaliyad.
Getachew ayaa u sheegay Mareykanka in caawimaadda ugu muhiimsan ee uu ka geysan karo Somalia ay tahay inuu caawiyo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen Ahlu-Sunna iyo dowladda KMG ah.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Mareykanka inuu bixiyo mushaharka ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia.
Comments (8 posted):
waa wixii horey u dhicijiray
Post your comment