

Linkz
Aminarts.com
Alhidaaya.info
allceeldheer.com
Calanka.com
Cadale.com
Ceelderaad.com
Cisaleey.com
dalkanews.com
dayniile.com
Hiiraan.com
Ilaqosal.com
jowhar.com
Maqaal.com
markacadey.com
midnimo.com
Newbanadir.com
onkod.com
qaranimo.com
somalifans.com
somalinet.com
somaliswiss
Somalisc
Wadanka.com
Xeebtaliido
Xiddigaha.com
Somali Radio
Islam Linkz
MiniMuslims
Daarulcilmi
Waaniye
Alhidaaya
somalisunah
Shaqsiyaad aan Damiir laheyn ayaa ku qaraabta Sport-ka Somalia''
Shaqsiyaad aan Damiir laheyn ayaa ku qaraabta Sport-ka Somalia''
NAIROBI-dhibaatooyinka badan ee heysta sports Somalia waxey keentay in ay soo baxaan shaqsiyaad muujinaya sida ay ugu xun yihiin sida wax u socdaan, iyo qaabka ay sporst soamalia u maamulaan GOS iyo xiriirada kale.
Shaqsiyaad ka damqaday maamul xumada iyo ku takrifalka awooda sports Somalia waxaa ka mid ah Yusuf Mahamed Abdi Yusuf (Yusuf Yusuf) oo ka mid ah qorayaasha somaaliyeed ee dhanka sports.
Mar aan isku aragnay net-ka ayaan kala sheekeystay yusuf yusuf mooqifkiisa iyo aragtidiisa ku wajahan GOS, X/k/cagta, Seuki iyo Eurosom waxaana wareysigii an la yeeshay uu u dhacay.
Sunni-Waxaan weydiiyay wax uu ku dhaliilsanyahay maamulda sports ee ka jira muqdisho iyo yurub?
Yusuf-Maamuul micnaha uu ku fadhiyo iyo dadka haatan maamulka sheegtay walaal waxaa u dhaxeeya wax badan marka ma oran karo maamul baa ka jira Sports Somalia iyo Dibada waayo waxaan ku tilmaami karaa NGO ay ku qaraabtaan dad damiir laawayaal ah
Sunni-dadkaan iskood isku xilqaamay maxey kuugu muuqan weysay in shaqadooda lagu amaano?
Yusuf-Run ahaantii sida ay sheegtaan oo ah inay ka shaqeeyaan horumarinta Sports Soomaaliya iyo xaqiiqda jirta iyo xogta aan hayno, hadii aan eegno waxaan oran karnaa waxay meesha ku hayaan waa ceeb iyo sumcadii Soomaaliyeed oo ay ka dhigteen mid ay ku qaraabtaan, waxay soo kordhiyeen uma jeedo aniga walaal.
Sunni-hadii aan kala qaadno dhaliilahaaga maxaa ku dhalileysaa XSKC iyo GOS?
Yusuf-Run ahaantii XSKC iyo GOS waxba isma dhamaan waana dad ku fashilmay howsha ay hayaan, mana dhihi karo waxa ay meesha ku hayaan waa wax fiican waayo Soomaaliya lagama dheelo horyaal iyo Jeneraal Daauud iyo ciyaaro gobalo midna, marka hayád ay hoogaaminayaan dad aan lahayn aqoon maamul iyo mid Sports ma dhihi karno waxbey qabteen, sida ay ku shaganayaan waa iska xoogsi iyo xoolo wax lagu raadinaayo oo laga helo hayádaha Sports Caalamka, nasiib xumo magacii Soomaaliyeed waxuu Noqday mid lagu qaraabto si shaqsiyan ah oo aan damiir wadanimo iyo mid Soomaalinimo toona lahayn
Sunni-ururada sports ee yurub ka dhisan gaar ahaan Eursom,Seuki iyo cayaaraha Sweden maxey tahy dhaliisha aad u heyso?
Yusuf-EuroSom,Seuki iyo Cayaaraha Sweden dhamaantood waa dad sheeganaya inay ka shaqaynayaan horumarinta Sports Jaaliyada Soomaaliya, hasa yeshee markii hore waxay ahayd arin wanaagsan in laga shaqeeyo arinkaas, laakinse hada waxaa moodaa inay isku badashay is kooxaysi mid ku dhisan oo dano laga leeyahay, danahaas oo ah kow mid magac lagu raadinaayo, tan labaad mid xoolo lagu raadinaayo , tan sadaxaad mid ku salaysan qabyaalad iyo aqoon daro.
Ururadaan hadaa eegto waxaa la socanaa qaabk ay ku dhisan yihiin ,waxaa kaga soo uraya qabyaalad aan ku dhisnayn Soomaalinimo iyo horumarin, aniga xog ogaala yaan ahay 10 sano ayaan arinkaan la socday waxaana oran karaa wax guul ah oo laga gaarey ma jirto oo aan ahayn isnacayb iyo xaasidnimo un baa laga faaiday, dhalinyaradiina waa ku habsaameen madaama barnaamijyada dadka wada ay yihiin dad aan aqoon maamul iyo mid Sports lahayn waxay noqotey in qofkii fiican oo raba in laga hor yimaado lagana fekero in lacago lagu aruursado tartamada laguna kala dareero,
Tusale ahaan qaabka wax loo qabanaayo iyo sida in loo qabto ayaa kala duwan, dhalinyarada lagama fekero marka ay ka soo qayb galayaan tartamada, xaga nolasha waa liidataa marti galinta, cuntada jiifka iyo barnaamijyo aqooneed looma qabto waxa kaliya loo qabto waxaa weeye in kubada la dheelsiiyo kadibna mesha looga tago, hadaa jabtid wax ka fekeraaya majirto, isla markaana lacago badan baa lagu dalbadaa kadibna afkaa la marsadaa, horumarintii caruurta Soomaaliyeed, hal wiil oo meel fiican ka gaarey ama ay gaarsiiyeen ma jirto 10 sano kadib markii ay bilaabeen howshaan, inkastoo ay jiraan ururo wanaagsan oo dhalinyarada in la hormariyo jecel laakinse kuwaas wax awood ah kuma laha 3 qaybood ee aan kor ku soo xusay
Sunni- GOS dib u dhaca sports Somalia qeybtee intee la eg ayeey ku leedahay ayaa is leedahay?
Yusuf-GOS sideedaba waxay iska noqotey meel la isaga qaraabto oo ay maamulaan dhawr qof oo aan oran karo kuwa dantooda isku keentey oo aan ka shaqaynin horumarinta Sports Soomaaliyeed waayo owal GOS awood badan ma lahayn xiligii dowlada ka jirtey dalka, marka waxaa hubaa inta dalka Soomaaliya dowlad laga helaayo inay sidasi iska sii ahaanayso, tusaale dalka dhan wax shaqo ah ay ka qabtaan ma jirto aan ka ahayn XSKK oo aan dhihi karo isagaa wax muuqda qabta kana qabta magaalada Muqdisho, markii la helo wasaarada Sports Soomaaliya oo shaqaynaysa waxaa hubaa in Gos awooda beenaadka ay hada ku haystaan afduubka Sports mid laga qaado oo lagu soo celiyo gacanta dowlad, mana sii socon doonto in lagu tagri falo awood benaadka sports lagu heysto.
Sunni-sports Somalia siduu lugahiisa iskugu taagi karaa isagoo ka madax banana aduunka?
Yusuf- aniga waxaan aaminsan nahay in Soomalida ay wax qabsan karaan iyagoo aan baryin IOC, NOC iyo FIFA , balse aan wax ku soo kordhin karno caalamka anagoo soo dhisayno dadkeena iyo Sports Dalkeena kadibna aan caalamka sharaf iyo magac wax kula qaybsan karno, 18 sanadood in sharafii dadka Soomaaliyeed in meel looga dhaco lagu tuugsado magacii Soomaaliyeed waxaan u arkaan dambi wayn oo laga galay dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliyeed. waxaana talo ahaan u siin lahaa Gos inay iska daayaan waxaan lagu gaaraynin sharaf iyo wanaag ayna ka shaqeeyaan inta aan la gaarin in lala xisaabtamo inay caalamka ka codsadaan in dadka Soomaaliyeed loo tababaro aqoonta Sports, xoogana la saaro in xaga aqoonta laga dhiso dhalinyarada Soomaaliyeed si ay mustaqbalka ugu faaideeyen dadkooda iyo dalkooda
w/w Sir Sunni Said salah
[email protected]
Kenya.Nairobi
Rate this article
Comments (0 posted):
Post your comment