Home | Maqaalo | Ra'iisul Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo (Dhageeyso)

Ra'iisul Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo (Dhageeyso)

Font size: Enlarge font

Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo ka socda QM oo badala Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Halkaan ka dhageeso warkii


Isagoo ka hadlay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Wadanka Ethiopia halkaasi oo uu ku joogo booqasho sedax maalin ah ayaa Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa beesha Caalamka waxa uu ka dalbaday in si deg deg ah loo keeno ciidamo ka socda QM iyadoo aan dib loo dhigeynin taasina Sababteeda ay tahay xaalada amaan dari ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in beesha Caalamka iyo QM looga baahanyahay in ay ka taageeraan xaga maaliyada ciidamada la keenayo Soomaaliya islamarkaana ay suura gal tahay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Soomaaliya.

Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

Comments (1 posted):

cawrala on 12 July, 2008 10:08:50
Ina Lilahi Waina Ilahi Rajicuun

Post your comment

Please enter the code you see in the image:

  • Email to a friend
  • Print version
  • Plain text
  • Rate this article
    5.00
    Powered by Vivvo CMS v4.0