Boondheere: Ra'iisul Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo (Dhageeyso) Ra'iisul Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo (Dhageeyso) ================================================================================ boondheere2009 on 07 July, 2008 12:32:00 Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa QM ugu baaqay in si deg deg ah loo soo diro ciidamo ka socda QM oo badala Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Halkaan ka dhageeso warkii Isagoo ka hadlay magaalada Addis Ababa ee Caasimada Wadanka Ethiopia halkaasi oo uu ku joogo booqasho sedax maalin ah ayaa Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa beesha Caalamka waxa uu ka dalbaday in si deg deg ah loo keeno ciidamo ka socda QM iyadoo aan dib loo dhigeynin taasina Sababteeda ay tahay xaalada amaan dari ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in beesha Caalamka iyo QM looga baahanyahay in ay ka taageeraan xaga maaliyada ciidamada la keenayo Soomaaliya islamarkaana ay suura gal tahay in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Soomaaliya.