Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | sports | Xulka kubada cagta oo ciyaartii sedexaadna laga badiyay ( Daawo sawirada ) Eretria Vs Somalia (3-1x)

    Xulka kubada cagta oo ciyaartii sedexaadna laga badiyay ( Daawo sawirada ) Eretria Vs Somalia (3-1x)

    Font size: Enlarge font

    xulka qaranka k/cagta Somalia ayaa galabtay loo xanbaarshay guuldaradii 3-aad ee tartanka xulalka bariga iyo bartamaha afrika markii 3-1 loo dhiibay, taasoo si fudud ugu sahashay iney boorsooyinka u xirxirtaan magaalada muqdisho.
    Somalia ayaa guuldarada 3-aad ee tartanka CECAFA waxey kala kulantay xulka Eretria oo goalkisii ugu horeeyay uu ahaa goal rigoore ah kaasoo daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta uu u dhaliyay Esaias Anddeberhian , isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Somalia laga dhaliyay goalkii 2aad ee ciyaarta daqiiqadii 27aad Filmon Tseqay ayaa u saxiixay Eretria goalka 2ad.
    Sidaa ayaa lagu kala nastay markii la isku soo laabtay ayaa Somalia dardar cusub ay garoonka la soo gashay , dad badan oo garoonka joogana waxey rajo ka qabeen iney Somalia iska soo gudi doonto goalshaasi .Hayeeshee bilowgii qeybtiii 2aad ayaa waxaa goalkii 3aad xulka Somalia ka dhaliyay difaacooda Yaasiin Ali Cigaal oo kubad ay soo laadeen weerarka Eretria uu isagoo difaaci raba uu iska dhaliyay sidaana ciyaartii ku noqotay 3-0.

    Halkaa waxaa ku burburay rajadii ay dad badan ciyaarta ka lahaayeen oo aheyd in ay goalasha iska soo gudi doonaa , taageerayaasha xulka Somalia ayaa sidaasi oo ay tahay dhiira galin ku waday ciyaartoyda si aysan u niyad jabin.

    hayeeshee Somalia waxaa u suuragashay iney helaan goalkii ugu horeeyay ee ay dhaliyaan tartanka oo dhan dhamaadkii ciyaarta waxaana u dhaliyay difaaca kooxad supper shelle oo badal ku soo galay ciyaarta Mohamed Hasan Shiino.

    Ciyaarta oo ku soo idlaatay 3-1 ayaa waxey natiijadaasi siisay Eretria iney ku soo baxado kaalinta 2aad ee group B sidaana ay ugu soo gudubtay wajiga 2aad ee tartankaan, iyadoo ciyaartii kale ee isla group-kaan oo dhex martay Rwanda iyo Zimbabwe waxaa 1-0 ku adkaaday xulka Rwanda oo 9 dhibcood ku soo baxay.

    Tartanka oo wareegiisii 1-aad la soo gabagabeeyay galabtay ayaa waxaa xulalka soo baxay ay kala yihiin Kenya iyo Zambia oo ka soo baxay Group A, Rwanda iyo Eretria oo ka soo baxay Group B, Uganda iyo Tanzania oo ka soo baxay Group C. waxaa sidoo kale soo gudbay Zanzibar iyo Zimbabwe.

    Tartanka CECAFA senior challenge cup beri waa nasiino iyadoo xulalka soo baxay ay iskugu aadi doonaa sida tan.

    Zambia vs Zanzibar

    Uganda vs Kenya

    Rwanda vs Zimbabwe

    Tanzania vs Eretria

    Xulka Somalia ayaa maalinta talaada ah oo socta wuxuu boorsooyinkiisa ka qaadan doonaa magaalada Nairobi isgaoo ka dagi doonaa garoonka diyaaaraha ee magaalada muqdisho isagoo xanbaarsan 3 guuldaro isla markaana laga dhaliyay 6 goal halka ay dhaliyeen hal goal.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com