Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | sports | Isku aadka Koobka aduunka ayaa caawa lagu qabtay Magaalada Cape Town ee. Daawo Video

    Isku aadka Koobka aduunka ayaa caawa lagu qabtay Magaalada Cape Town ee. Daawo Video

    Font size: Enlarge font

    Isku aadka Koobka aduunka ayaa caawa lagu qabtay Magaalada Cape Town iyadoo Koonfur Afrika ay mart gelin doonto koobka aduunka ee sanada 2010 oo markii ugu horeysay lagu qabanayo ciida qaarada Afrika.

    Waxaa isku aadka loo doortay inay soo xulaan ciyaartooyda kala ah ciyaaryahanka orodka maaratoonka caanka ku ah mudo badana qaaday ee Haile Gebreselassie oo u dhashay dalka Ethiopia, ninka Rugby ugu sareeya John Smit, ninka isagana looga danbeeyo Kirikitka Mr. Makhaya Ntini, iyo ciyaaryahanada kubada cagta ee reer Koonfur Afrika oo kala ah Matthew Booth iyo Simphiwe Dludlu, Waxaa sidoo kale meesha ka marnayn oo lagu marti qaaday inuu isku aadka gacantiisa kusoo bixiyo xidiga reer England Mr. David Beckham.

    Iyadoo loo qeybiyay sideed group ayaa waxaa group kasta ku jira afar kooxood, hadaanu soo qaadano groupka A ayaa waxaa ku wada jira kooxda Marti gelineysa koobka aduunka ee sanda 2010 ee Koonfur Afrika waxaa kula wehliya Faransa, Mexico iyo Urugwaay, marti geliyayaasha koobkan kuma faraxsana natiijadiisa waayo Groipka uma muuqdo mid ay ka soo dhex bexi karaan inkastoo dad badan ay leeyihiin waxaa laga yabaa in Bafana bafana ay soo baxdo madaama ay heystao taageerayaasha ugu badan.

    Groupka B ayaa waxaa hogaamineysa xulka Argentina oo isagu si naf la caari ah ku soo gaaray koobka aduunka waxaa ku wehliya xulalalka kala ah Nigeria, Korea Republic, Greece, Tabaraha Negeria oo saxaafada la hadlay ka dib isku aadkan ayaa sheegay in Argentina iyo Negeria ay ka soo bixi doonaan grooupka B wuxuuna sheegay in Griiga aysan heyn awood ay ugu soo baxaan wareega 16ka.

    Groupka C ayaa waxaa hogaamineysa xulka qaranka Inagriiska oo ay kula jiraan kooxo ay ka mid yihiin USA, Algeria, Slovenia, Inagriiska ayaa ka fuqday neef weyn ka dib markii ay badbaadeen kooxaha ay baqdinta ka qabeen sida Faransa ama Portugal lakiin Cappelo ayaa sheegay in koox walba oo koobka aduunka ka qeyb galeysa aaan la dhayalsan Karin islamarkaana ay u baahan tahay dadaal dheeri ah sidi ugu gudbi lahaayeen wareega xiga.

    Groupka D ayaa waxa isna lagu tiranayaa inuu ka mid ayahy grupyada ugu adage e koobka auunka ee 2010 lagu qaban doono markii ugu horeysay qaarada Afrika waxaa groupkaasi ku kulmay Jarmal oo ahaa martigeliyihii koobka aduunka ee sanadii 2006da waxaa kula wehliya awstruliya, Ghana iyo Serbia, Jarmalka kuma farxin isku aadkan sbabatoo xulalaka halkaan ku kulamay waa kuwa adag oo aan kala yareysan.

    Gropka E ayaa waxaa ku wada Kulamay Netherlands, Cameroon, Denmark iyo Japan, tabaraha xulka Holland oo ka hadlay ka dib isku aadkan ayaa sheegay in dad badan ay sadaalin karaan in si fudud xulka Holland uu ku soo bixi karo lakiin wuxu intaa ku daray in taasi micnaheedu aheyn in ay is dhigan doonaan.

    Groupka F oo ah groupka ugu jilcan ee koobkan aduunka ayaa waxaa kuwada jira xiulalaka Italy, Paraguay, New Zealand, Slovakia waxaana sadaashu u badan tahay in talyaanigu uu si fudud ku gudbi karo wareega 16ka, Marcello Libi ayaa sheegay in ay dadaal u gali doonaaan oo aysan dhayal san doonin kooxaha kula wehliya Groupkan.

    Groupka G oo loo aqoonsaday gropka dhimashada ayaa waxaa isku warsaday Brazil, Ivory Coast iyo Portugal iyo Korea lakiin Korea ayaa la moodaa inay tahay kooxda kalioya ee la sadaalin karo inay isaga hartay koobka aduubka madaama aysan tabar iyo itaal toona ku dhameyn kooxaha groupkan kula wehliya.

    Groupka H ayaa waxaa hogaamineysa kooxda loo sadaalinayo koobkan aduunka ee Spian iyadoo ay ku wehliyaan Hondurus, Chile iyo Switzerland. Spian ayaa si fududu ku dhaafi karta gropukani waa kan labaad ee ugu jilcan isku aadka caawa ka dhacay dalka Koonfurta Afrika.

     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com