Xulka qaranka somalia oo guul daro kala kulmay xulka Zimbabwe (2-0) Daawo Sawirada
Guuldaradaan ayaa waxey Somalia kala kulantay xulka Zimbabwe oo ugu badiyay 2-0, taasoo ka dhigan in xulka Somalia ay tartanka boorsooyinkooda ka xirxiran doonaa maadaama loo xanbaariyay 2 guuldaro oo is daba taalQeybtii hore ee ciyaarta ayaa Somalia waxey soo bandhigeen ciyaar aad iskugu xiran oo aad u soo jiidatay daawayaashii garoonak joogay hayeeshee waxaa laga dhaliyay goalkii 1aad ee ciyaarta kaasoo ahaa mid isku haleyn kaga dhashay, 1-0 oo Somalia lagu hogaaminayo ayaa lagu kala nastay.
Markii la isku soo laabtay oo ciyaarta la baastay ayaa waxaa laga dhaliyay Somalia goalkii 2aad ee ciyaarta kaasoo rajo waliba oo ay lahaayeen gud ku sii riday, dhowr fursadood oo ay isku dayeen ayeey qasaariyeen.
waxey somalida galabtay soo bandhigeen ciyaar aad u wanagsaneyd oo aad loola yaabay laakiin dadaalkoodii wuxuu noqday mid hal bacaad lagu lisay ah maadaama kubadii quruxda badneyd ee ay la yimaadeen garoonka aysan waxaba ku dhalin, isla markaana 2-0 loogu dhameeyay.
Ciyaartoyda Somalia ayaa kulankii ugu horeeyay oo ay la ciyaareen xulka Rwanda waxaa looga adkaaday 1-0, kulankii 2aad oo ahaa kii galabtay oo ay Zimbabwe kaga hortageen waxaa loo dhiibay 2-0 taasoo u xaqiijisay iney iskaga hareen tartanka gabi ahaantiisba.
Ciyaarta 3aad ee Group B waxey Somalia kula balansantahay xulka Eretria taasoo lagu wado in ay ka dhacdo garoonka City Stadium maalinta sabtida ah ee soo socota , hadii Eretria soo badiso iyada iyo Rwanda ayaa u soo wada bixi doona wareega 2aad halka Zimbabwe iyo Somalia ay qulquli doonaa.
Ciyaarta Somalia waxaa ka horeysay ciyaar kale oo dhex martay xulalka Rwanda iyo Eretria waxaa 2-1 ku badisay xulka Rwanda .
Waxaa cabasho badan ka jirtaa heerka qaban qaabo ee tartanka iyadoo Kenya aysan tartankaan ugu diyaar garoobin sidii la rabay. Iyadoo dhibaatooyin badan ay ka jiraan helitaanka garoomada ay xulalku tababarka ku qaadan lahaayeen
Comments (0 posted):
Post your comment