Xulka Kubada cagta ee Somalia oo lagaga adkaaday Ciyaaraha bariga iyo bartamaha africa (1 iyo 0) Daawo Sawirada
Ciyaar ka tirsaneyd Koobka Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo maanta ka dhacday garoonka NYAYA NATIONAL STADIUM ayaa waxay dhexmartay Xulalka Soomaaliya iyo Rwanda.
Ciyaarta ayaa markii ay bilaabatay oo ay socotay 4 daqiiqadooda waxaa Xulka Soomaaliya laga dhaliyay Gool, kaasi oo ay si weyn uga xumaadeen taageerayaal badan oo Xulka Soomaaliya taageerayay, kuwaasi oo ka kala yimid Magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya.
Ciyaarta labada xul dhexmartay oo ahayd mid kulul ayaa waxay labada xulba ku guuleysan waayeen in ay goolal kale iska dhaliyaan, waxayna ciyaarta ku soo gebagebowday 1-0 oo ay guushii ku raacday Xulka Dalka Rwanda.
Daawashada Ciyaartan waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika, Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud iyo xubno kale.
Goolka deg degta ah ee laga dhaliyay Xulka Soomaaliya waxaa si weyn uga xumaaday mas’uuliyiinta Dowladda ee ciyaarta daawaneysay iyo taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya oo aan markii ay ciyaarta dhamaatay wax ka weydiinay natiijada kulankii maanta dhexmaray Xulalka Soomaaliya iyo Rwanda ayaa wuxuu sheegay in inkastoo uu ka xun yahay in xulka Soomaaliya laga badiyo, haddana wuxuu sheegay in ciyaaro kale ay u harsan yihiin Xulka Soomaaliya, uuna guulo ka soo hoyn doono.
“Xulka Soomaaliya tan iyo markii ay ka soo degeen Garoonka Jomo Kenyata waxaan u sameyneynay Safaarad ahaan dhiirigelin, haddana markii la gaaray bar dhamaadka ciyaarta (half time-ka) waxaan u sameeyay niyad-dhisid, markii ay ciyaarta dhamaatayna waan la hadlay, waxaana u sheegay in aysan niyad-jebin oo ay fursad fiican heystaan,ciyaaraha soo socdana ay natiijo fiican keeni doonaan”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameerika.
Xulka Soomaaliya ayaa waxay Koox ku yihiin Dalalka Eritrea, Rwanda oo ay maanta la ciyaareen iyo Simbabwe, waxaana sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Soomaaliyeed la filayaa in ay xulka Soomaaliya guulo ka soo hoyn doonaan tartankan.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe oo intii ciyaarta socotay aan kala sheekeystay sida ay socoto ciyaarta dhexmareysa Soomaaliya iyo Rwanda iyo waxa ay rajeynayaan kulamada soo socda ayaa wuxuu sheegay in aysan u muuqan awood ay Kooxda Rwanda kala hortimid, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay guulo rajeynayaan kulamada soo socda.
Xulka Soomaaliya oo maanta ugu taageerayaal badnaa ayaa wuxuu ciyaartiisa xigta Khamiista la yeelan doonaa Xulka Simbabwe, iyadoo tan ku xigtana uu la yeelan doono xulka dalka Eritrea
Comments (2 posted):
waxaan u rajaynayaa guul wacan guul.... guul.....
marka hore wxaan guubaabo u dirayaa xulka qaran iyo ciyaartooda mataleeysa waxaana leeyahy runtii waad dadaasheen idinkoo wax doowlad ah heeysan hadana sanad walba mujiya in aad calankeena geeysan meelaha fagaaraha kaan muuqataan runii waa wax lagu farxo oo aad looso dhawwynaayo taas dadaalkeedana waxaan ku amaanaya xiriirka kubada cagta soomaaliyeed, markaan usoolaabto ciyaarta galabta dhexmartay Somalia vs Rwanda RUNTII Rwanda wa wadan doowlad leh lkn soomalia maanta waan wada ognahay waxa kajira saasoo tahay maanta ciyaarta ay soo bandhigeen ciyaartoodeeyna ciyaartooda rwanda waan kafiicneeyn hal iyo eber ayay nooga badiyeen guul iyo guur darana kubada cagta waa wax lagu tashto marka horeba marka waxaan leeyahay sii wada dadaalka guulo waa ay noo dhimantahay ee hana yid jabina waad guuleeysaneeysaane sii wada dadaalka....
Post your comment