Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Islam | Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad

    Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad

    Font size: Enlarge font

    Wxaan Qeytaan Afaraad kaga Hadleynaa Fadliga Maalinta Carafo iyo Fursadaha ku jira Maalinkaas.
    Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
     
    1- Maalinka Carafo waa maalintii Diinka la Dhameestiray iyo Nicmada Allaah ku Maneestay Muslimiinta.
    ففي الصحيحين عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه أن رجلا من اليهود قال له : يا أمير المؤمنين ، آية في كتابكم تقرءونها ، لو علينا معشر اليهود نزلت لاتخذنا ذلك اليوم عيدا . قال أي آية ؟ قال : " اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا " المائدة :3 . قال عمر : قد عرفنا ذلك اليوم والمكان الذي نزلت فيه على النبي صلى الله عليه وسلم : وهو قائم بعرفة يوم الجمعة .

    Xadiiskan waxaa uu Tilmaamayaa Qiimaha iyo maamuuska Maalintan : Nin Yahuud ah ayaa ku yiuri Amiirkii Mu'miniinta Cumar: Aayad Kitaabkiina ku jirta hadii ay anaga Yuhuudaa nagu soo dagan lahaeyd waxaan ka dhigan laheyn Maalinkaas Ciid, markaasuu Cumar Ibnu KHadaab Su'aalay oo yiri: waa Aayadee? waxaa Yuhuudigii ku Jawaabay waa Aayada Qr'aanka ah
    {اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دين} Cumar waxaa uu yiri: waan Naqaan Maalinkaas iyo Meesha ay kula soo dagatay Nabiga Suuban [Naxariis iyo Nabad alaha Yeelee]: Aasaga oo taagan Carafa, weliba Maalin Jimca ah.
    Marka Xadiiskaan waxaa laga qaadanayaa in Maalinka Carafo yahay Maalinkii mUslimiinta illaah u yaboohay inuu u kamilay Nicmadii Diinka Islaamka ee uu Illaah uga Raali Noqday Muslimiinta, taasoo tuseysa in Maalinkaan yahay maalin Barakeysan.
     
    2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan:
    قال صلى الله عليه وسلم : " يوم عرفة ويوم النحر وأيام التشريق عيدنا أهل الإسلام ، وهي أيام أكل وشرب " رواه أهل السنن .
     
    Waxaa kaloo Cumar Ibnu KHadaab laga wariyay inuu yiri waxe Soo dagatay Aayadaan ah { اليوم أكملت } Maalin Jimco ah ahna Maalin Carafo ah , waxaa uuna yiri: Labada Maalinba waa noo Ciid Illaah Mahadii
    وقد روي عن عمر بن الخطاب أنه قال : " نزلت - أي آية ( اليوم أكملت ) - في يوم الجمعة ويوم عرفة ، وكلاهما بحمد الله لنا عيد "

    3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, Sida ku Cad Aayadan :{فهو اليوم المشهود في قوله تعالى : " وشاهد ومشهود " البروج :3}.
    Waxaa Sidoo kale abuu Hureyra tilmaamay Maalinta
     فعن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : " اليوم الموعود يوم القيامة ، واليوم المشهود يوم عرفة ، ... " رواه الترمذي وحسنه الألباني

    Waana Witirka uu Illaah ku Dhaartay Sida ku cad Aayadan:{ في قوله : " والشفع والوتر " الفجر :3}
    Ibnu Cabaas [Allaaha ka Raali Noqdee] waxaa uu ku macneeyay Shfacu inuu yahay Maalinta Ciidda Udxaha, Witirkana waxaa uu ku Macneeyay Maalinta Carfo, sidaasoo kalan waxaa ku macneeyay Rag badan oo Culimadii Salafka ka mid ah, taasoo tyuseysa Maalinka Carafo Qiimaha iyo Qadarka uu leeyahay.
    قال ابن عباس : الشفع يوم الأضحى ، والوتر يوم عرفة . وهو قول عكرمة والضحاك .

    4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, Sida Nabiga Suuban Tilmamay{Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo sanadka soo socda},
    فقد ورد عن أبي قتادة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم سئل عن صوم يوم عرفة فقال : " يكفر السنة الماضية والسنة القابلة " رواه مسلم
    Xadiiskaan Dembi Dhaafka Yabooyaha waxaa uu nagu Baraarujinayaa Soonka Maalinta Carafo iyo Fadliga uu leeyahay si aan uga Faaiideysano.
     
    5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen
    {قالوا بلى شهدنا} arinkaasoo oo dhacay ka dib markii la dhameestiray Abuuristii Nabi Aadam, sidaasna waxaa Cadeeyay Xadiiskan Soo Socda:
    فعن ابن عباس رضي الله عنهما قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " إن الله أخذ الميثاق من ظهر آدم بنعمان - يعني عرفة - وأخرج من صلبه كل ذرية ذرأها ، فنثرهم بين يديه كالذر ، ثم كلمهم قبلا ، قال : " ألست بربكم قالوا بلى شهدنا أن تقولوا يوم القيامة إنا كنا عن هذا غافلين , أو تقولوا إنما أشرك آباؤنا من قبل وكنا ذرية من يعدهم أفتهلكنا بما فعل المبطلون " الأعراف :172-173 ، رواه أحمد وصححه الألباني ، فما أعظمه من يوم وما أعظمه من ميثاق .
    Marka waxaa nala gudboon inaan Cumrigeena yar uga afaaiideysanio Munaasabadaha waa weyn ee uu illaah noogu talagalay inaan weax badan kaga faaiidno si Cumrigeena u Barakoobo, oo waqti yar aan u helno Ajaro fara badan oo waa weyn.
    6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaah Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
     

    ففي صحيح مسلم عن عائشة رضي الله عنها عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : " ما من يوم أكثر من أن يعتق الله فيه عبدا من النار من يوم عرفة ، وإنه ليدنو ثم يباهي بهم الملائكة فيقول : ما أراد هؤلاء ؟ "
    وعن ابن عمر أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : " إن الله تعالى يباهي ملائكته عشية عرفة بأهل عرفة ، فيقول : انظروا إلى عبادي أتوني شعثا غبرا " رواه أحمد وصححه الألباني .
     
    Hadaba waxaan isu dardaarmeynaa inaan ka Faaiideysano Maalinkaas Carfo si gaar ah ugu Dadaalno Soonkiisa iyo inaan illaah weydiisano inuu naga Dhaafo Dembiyada faraha badan ee aan goor walba gacmahata kula jirno, Naartana naga badbaadiyo isagaa wax walba awoodee.
     
    Waxaa Diyaariyay Calinuur Xaoogsade
    [email protected]

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com