Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Islam | Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q 3aad

    Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q 3aad

    Font size: Enlarge font

    Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Q 3aad
        Waxaan Qeybtaan Sadaxaadna kusoo qaadaneynaa arin Xeriir la leh Qeybtii ka hor
            -eysay ee ku Saabsaneyd Axkaamta Udxida, waayo waxaa dad Badan is
             Weydiiyaan Udxiyada malaga Bixinkaraa Meydka?.
                 

    Udxiyadu waa sharci sida ku cad kitaabka Sunnada iyo ijmaaca muslimiinta nabigana waxa uu ku tilmaamay fadligeeda aad inuu u weyn yahay
    intaas hadii aan fadliga ugu gudubno waxaa is weydiin leh meyd malaga bixin karaa udxiyada?
    Jawaabtu waa haa si kooban..
    Meydka oo laga udxiyeeyo waxa ay la mid tahay ayada oo laga Sadaqeeyo ama laga Xajiyo waana arin sharciga ku banaan mana jiro wax farqiya oo u dhaxeeyo gaaritaanka ajirka sadaqda, xajka iyo gaaritaanka Udxiyada qofkii kala saarana laba isla mid ah ayuu kala saaray,
    arinkaana waxa uu ku cad yahay kitaabka sunnada  ijmaaca iyo qawaacida sharciga ah sida uu sheegay ibnul qayim (allaha u Naxariistee) mana diidaan ilaa qaar ka mid ah Ahlu Bidcaha waxa uu yiri "ibnu taymiya qofka sheegto inuusan gaareynin meydka waxa ay u hadiyeeyaan muslimiinta kale waxa uu meel uga dhacay ijmaaca muslimiinta.. mar la weydiiyay malaga udxiyeyn karaa meydka waxa uu ku jawaabay ?
    {waxaa banaan in laga Udxiyeeyo sida looga Xajin karaba} sidaas daraadeed culimada in badan waxay si faahfaasan uga hadleen arinkaan waxeyna sheegeen qofka Camal walba oo suuban oo uu sameeyo uuna hadiyeeyo ajirkisa inuu gaaraayo waxayna tusaale ahaan uga dhigeen sida salaada, soonka, xajka iyo sadaqada waxaana sugan in nabigu {Nabad iyo Naxariis korkiisa allaja yeelee} gowracay wan yirina kani waxan ka goowaracay Muxamad iyo Reerkiisa sidaas daraadeed culimada muslimiinta waxa ay yiraahdeen "rasuulka waxa uu u hadiyeeyay ajarka udxiyadiisa naftiisa iyo ahalkiisa, ahalkiisana waxaa ka mid ahaa kuwa nool iyo kuwa geeriyooday.
     Ibnul qayimka (allaha u Naxariistee) kitaabkiisa Alruux waxa uu ku sheegay marka uu soo arooriyay adilada kitaabka iyo sunada kadib sida tan
     وهذه النصوص متظاهرة على وصول ثواب الأعمال إلى الميت إذا فعلها الحي عنه وهذا محض القياس فإن الثواب حق للعامل فإذا وهبه لأخيه المسلم لم يمنع ............. أ . هـ
    oo macnaheedu yahay:
     { Nusuustan waxa ay xoojineysaa camalka suuban ajarkiisu inuu gaaraayo meydka hadii uu ka sameeyo qofka nool arinkaana waa qiyaas cad maxaa yeelay ajarka waxaa xaq u leh qofka sameeyay hadii uu u hibeeyo walaalkiis muslimka  ahna ma reebana..}waxaa kale oo ka hadlay arinkaan Shiekh yusuf al qardaawi oo ka mid ah culimada Casrigan waxa uuna yiri {waa sharci in laga sadaqeeyo meydka sida ay ku mideysanyihiin Muslimiinta, waxaana jiro labo arin oo aysan isku khilaafin Madaahibta waana meydka oo laga sadaqeeyo iyo meydka oo loo duceeyo oo ilaahey dambi dhaaf looga dalbo...."}
    Sheeq ibni cutheymiin (Allaha u Naxariistee) oo arinkan ka hadlayna waxa uu tilmamay in aan lagu gooni yeelin Meyda waxaa uuna yiri :-
     {udxiyada waxaa asal ku ah sharci ahaan kuwa nool balse sida ay maleeyaan dadka qaar oo ah in lagu gooni yeelo  dadka dhintay wax asal ah malaha..} waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay udxiyadu meydka waxay u qeybsantaa saddex qeybood :-
    1) Inuu ka bixiyo Udxiyada kuwa dhintay isaga oo raacinayo kuwa nool sida inuu qof ka udxiyeeyo Naftiisa iyo Ehelkiisa una niyeysto mid nool iyo mid dhintay arrinkaasna waxaa asal u ah udxiyada Nabiga (Nabad iyo Naxariis allaha yeelee) uu ka bixiyay Naftiisa iyo Qoyskiisa waxaana ka mid ah ahalkiisa kuwa marhore dhintay
    2) inuu ka Udxiyeeyo kuwa dhintay asaga oo fulinaayo dardaarankoodii arinkaasna waxaa asal u ah Allah hadalkisa

     فَمَن بَدَّلَهُ بَعْدَمَا سَمِعَهُ فَإِنَّمَآ إِثْمُهُ عَلَى الَّذِينَ يُبَدِّلُونَهُ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
    3) Inuu ka Udxiyeeyo kuwa dhintay Samafal ahaan ayaga oo ka madaxbanaan kuwa nool, arinkaasna waxaa qabo Culimada Xanbaliyada ajarkeeda inuu gaaraayo meydka kuna intifaacaayo ayaga oo uga qiyaastay sadaqada meydka laga bixiyo waxa uuse yiri ibni Cutheymiin: {hasa yeeshee ma qabno in lagu gaar yeelo meydka udxiyo iney Sunnada ka mid tahay maxaa yeelay Nabiga Suuban kama udxiyeynin qof ka mid ah ehelkiisa geeriyooday ka mid ah si gaar ah kamana udxiyeynin Adeerkis Xamza oo ahaa kuwa ugu jecelyahay ehelkiisa kamana udxiyeynin, caruurtiisii geeriyootay asaga oo nool waxayna ahaayeen saddex gabdhood oo reero lahaa iyo saddex wiil oo aan qaan gaarin mana ka udxiyeynin haweeneydiisii khadiijah oo uu xaasaskiisii ugu jeclaa, mana sugna in axad ka mid ah saxaabada xilligii nabiga inuu ka udxiyeeyo qof kamid ah ehelkiisa geeryooday...}
    waxa la weydiyay hey,ada culimada sacudiga meyd malaga udxiyeen karaa ?
     HWaxa ay ku Jawaabeen in ay banaan Tahay Sida ay culimada kalaba uga Hadleen oo kale.
    Hadaladaas Culimada muslimiinta waxaa si kooban looga qaadan karaa in meydka muslinka ah udxiyo laga bixin karo laba arin darteed:
    1=hadii udxiyada loo wada niyeesto kuwa nool iyo kuwa dhintay ee Ehelada qofka udxiyada la baxaayo.
    2=Hadii uu ka dardaarmo qofkii inta uusan geriyoonin waa laga udxiyeeynaa ayadoo la fulinaayo dardaarankiisii.
    Arinta soo harteyna oo ah in sigaar ah looga udxiyeeyo meydka waa arin Culimada isku khilaafsan tahay, waxaana wanaagsan inaan lagu gooni yeelin.
      W/Q: Calinuur Xoogsade      
     
    [email protected]

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com