Ra’isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan golihii maxkamadaha islaamka oo soo xirtey dareeska ciidamada dowladda oo fowdo ka wada caasimadda, isagoo amar ku siiyay ciidamada dowladda in ay wax ka qabtaan kooxahaasi.
Ra’isulwasaare Geedi oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ah ee Somalia ay gacan bir ah ku qabaneyso amaanka caasimadda, isagoo ku wargaliyay ciidamada dowladda in ay ka hortagaan wax kasta oo amaan darri ah, isla markaana soo xir xiraan dadka isku dayaya in ay boob iyo bililiqo ka sameeyaan caasimadda.
Geedi ayaa waxa uu sheegay in xaaladda Muqdisho ay dagan tahay isla markaana ciidamada dowladda ay ka wadaan howl-gallo amaan ku soo dabaalid ah.
Geedi ayaa waxa uu muujiyay sida uu uga xun tahay falalka dhaca iyo boobka ay ka geeysteen kooxaha qarbudaada ka wada caasimadda, isagoo sheegay in kooxahaasi ciidamada dowladda ay gacanta ku soo dhigayaan.
Hadalka ra’isulwasaare Geedi ayaa ku soo beegmay xilli caasimadda Somalia maalintii labaad ay xasiloon tahay, inkastoo dhismayaal ay leeyihiin shirkado boob loo geeystay. |