Orodyahan Maxamed Faarax ayaa biladda dahabka ah ka qaatay orodka cross country ee qaaradda Yurub tartan uu uga qayb galay dalka Talyaaniga. Orodyahankan oo ku tartama magaca dalkan oo uu dhalashadiisa haysto sida soomaalida kumaanka kun ah ee haysata dhalashada dalkan ayaa maanta noqday orodyahankii labaad ee u dhashay dalkan Ingiriiska ee hantiya kaalinta koowaad ee orodkan cross country ga loo yaqaan ee qaaradda Yurub. Orodkan oo maanta lagu qabtay dalka Talyaaniga ayuu orodyahankan soomaaliyeed hogaanka u qabtay in yar ka dib bilawgii orodkan asagoo intaasi ka dibna si xarago leh uga guulaystay orodyahanadii u kala dhashay dalalka Portugal iyo Spain oo ku soo xigay. Maxamed Faarax ayaa warfidiyeenada u sheegay in uu si aad ah ugu diyaargaroobay tartankan muddo bil ahna uu tababar adag ku soo qaadanayey dalka South Afrika wuxuuna orodyahankani u muuqdaa nin ay guulihii hadda u bilawdeen ka gadaal markii uu tartankii 5000m ee qaaradda yurub uu biladda qalinka ah ama kaalinta labaad ka galay.
Wuxuu sidoo kale xulka da'yarta ee dalkan ingiriiska biladda dahabka ah ee isla orodkan cross country ga la qaaday sanadkii 1999 kii.
Dhinaca kale Faaraxa ayaa waxaa sidoo kale ay xiriirka cayaaraha fudud ee dalkan ingiriisku caddeeyeen in uu ka mid yahay orodyahanada dhawrka ah ee loo ogolaaday in la maalgeliyo si ay tababar fiican u helaan maadaama ay dalkan guulo u soo hoyn karaan.
|