Wararka aanu ka helayno gobalka jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in khasaarihii ka dhashay dueeyntii diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka uu kor usii kordhayo halka dhimashada dadku ay kor u dhaaftay 100 ruux dhaawacuna uu intaa kabadanyahay halka xoolo aad ufara badan ay ku dhinteen.
Hadaba wararkii oogu dambeeyay ee naga soo gaadhay aaga Diif ayaa waxa ay xaqiijinayaan in 8 ruux oo katirsan qoyska Reer Ibraahim Shube ku geeriyoodeen duqeeyntii diyaaradaha Maraykanka ay ka gaysteen duleedka magaalada Diif ee gobalka Jubada Hoose.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Kusow Baloow oo ah Oday caan ka ah gobalka Jubada hoose halka Daahir Dhaqane iyo Aadan Shiinow oo ayaguna kamid ah oday dhaqameedyada caanka ka ah gobalka Jubada hoose ay kamid yihiin dadka ku dhawaacmay duqeeyntii diyaardaha Marayka ee shalay ka gaysteen deegaanka Jiira, Xayo iyo Raaskambooni.
Odayaashan ayaa kamid ahaa odayaal kasoo dhaqaaqay magaalada Afmadaw si ay usoo indha indheeyaan khasaarihii ka dhashay duqeeyntii hore ay diyaaraduhu ka gaysteen deegaanka Jiira.
Duqeeyntii ayaa wali socota ayagoo maanta duqeeyay deegaanka Raaskambooni.Wali lama hayo khasaaraha ka dhashay duqeeyntii maanta loo gaystay deegaanka Raaskambooni.
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha boga Dhanaan.com waxa ay tacsi udiriyaan dhamaan ehaladii iyo qaraabadii ku geeriyooday dagaalka cirka iyo dhulkaba leh ee lagu hayo shacabka ku dhaqan Jubada hoose.
|