Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More
 
Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• AnasAutoTrader.com
• All Ceeldheer.com
• Amin Arts.com
• All Somalia.com
• Aflax-online
• Aayaha.com
• Axadle.com
• Bartamaha.com
• Banaadir.org
• Baraawe Post
• Biyokulul.com
• Cayaaraha.com
• Ceelbuur online
• Calanka.com
• Dhanaan.com
• Dhagaweeyne
• Diinsoor.com
• Dadkeyga.com
• Jamaame.com
• Gandershe.com
• Goobjoog.Net
• Halgan.Net
• Hiiraan.com
• Idamaala.com
• Markacadey
• Markacadey.net
• Mugadishocity
• Onkad.com
• Qaadisiya.com
• Qaranimo.com
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Siinay.com
• Somaliroots
• OsmanArts.net
• Somalitalk.com
• Somali weyn
• Somali post
• Xeebta.com
• Xiddigaha.com
• Xamardaye.com
• Xurnimo.com
• Wadanka
• Yaqshid.com
• Ayaamaha
• Aayatiin.net
• Godey News
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
Need to learn about Voip
 

19/02/2007, boondheere.com Muqdisho: Oday Soomaaliyeed oo xambaarsan dhaawaca wiilkiisa yar oo uu kula ordayo Cisbitaalka Madiina ee Muqdisho, ilmahaasi yar waxaa uu ka dhaawacanyahay Luqunta oo xabad wiifta ah ay uga dhacday iyadoo sidoo kalana dad badani ay ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaaladaasi Muqdisho oo ah goob inta badan ay dadka rayidka ahi waxyeelo kusoo gaarto xiliyadda dagaalka sokeeye.

Sawirkaasi waxaa qaaday Wakaaladda wararka ee AFP
dhinaca kalana Idaacahadaha HornAfrik, Shabelle iyo Banaadir ayaa maanta waaxda nabad sugida Qaranka soo gaarsiiyeen inay ka gaabsadaan inay ka hadlaan howlgalada ciidamada dowladda iyo dowladaha kale ay saaxiibada yihiin, qaxa dadka Muqdisho, iyo goobaha madaafiicda ay ku dhacaan.

Taliye xigeenka ciidanka nabad sugida Qaranka Nuur Maxamed Maxamuud “Nuur Shirbow” oo la hadlayey Idaacadahaas ayaa ku eedeeyey inay yihiin kuwa buunbuuniya islamarkaana Makarafoonka la dhexmara dadwaynaha wararkana ka keena. Nuur Shirbow ayaa ku amray Idaacadahaas inay ka gaabsadaan inay ka hadlaan howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa ay saaxiibada yihiin.
Sidoo kale Idaacadaha waxaa lagu amray inay ka gaabsadaan arrimaha dadwaynaha Muqdisho ee qaxaya maalmahan iyo goobaha Madaafiicda ku soo dhacdo.
Nuur Shirbow ayaa ku eedeeyey qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya qaar ka mid ah magaalada Muqdisho Maxkamadihii Islaamka iyo hogaamiye kooxeedyada.

Taliye ku xigeenka ayaa Idaacadaha u sheegay inay u soo gudbin doonaan qoraalo ay ku xusan yihiin qaabka ay ogoshahay dowladda inay u shaqeeyaan warbaahinta Muqdisho iyo waxa ay dowladda diidan tahay.

Taliye xigeenka nabad sugida Qaranka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday in Idaacadaha noqdaan kuwa ka hadla nabadda iyo wax dhisida.

Dhinaca kale, Idaacadaha ayaa waxaa eed taa ka duwan u soo jeedinaya ururada bulshada rayidka oo ku eedeeyey in Idaacadaha sidii la doonayey kaga hadlin dadka dhibaatada soo gaartay, duqeynta Habeen iyo Maalin lagu hayo, balse ay tagaan meelaha la duqeeyey kaddibna ay inta muuqata oo kaliya ay soo gudbiyaan, laakiin aaney ka hadlin dhibaatada dhabta ah cidda wax soo tuurtay halka lagu soo tuuray iyo sida xaalku yahay.

Sidoo kale, bulshada rayidka waxa ay sheegeen in Idaacadaha aaney ka hadlin dadka la barakacinayo iyadoo goob la dajinayo aaney jirin, qaxa ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo dhibaatooyinka heysta dadka maatada ah ee aan hubeysneyn.

Soomaalida ayaa waxa ay ku Mahmaahdaa “Hashii Laba Midigloowe waday dhana uma fiyoowa”

Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa dowladda eedeyn dusha kaga tuureysaa dadwayanaha iyo bulshada rayidkana ay dusha kaga tuurayaan eedeyn ah in sidii la rabay aaney u shaqeynin.

 

Mas’uuliyiita Idaacadaha ayaa iyaga u arka in warbaahinta Muqdisho tahay mid u shaqeysa dadwaynaha Soomaaliyeed ee la dhibaateysan diifta 16-sanno islamarkaana dowlad la’aan ay heyso, waxa ayna kala qeyb qaadanayaan waqtiga adag ee dhibaatada gaajada, abaaraha iyo fatahaadaha heysta shacabka Soomaaliyeed.

Kulan kan ka horeeyey ayaa hore nabad sugida ugu dhexmaray qaar ka tirsan Warbaahinta magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin HornAfrik, Al-jasiira, Idaacadda Quraanka Kariimka iyo Shabeele balse maanta ayaa kulankan waxaa ku soo biiray warbaahinta qaar cusub oo ay ka mid tahay Radio Banaadir iyadoo aysan ku jirin kuwa hore kulankaas u joogay oo ay ka mid ahaayeen Idaacadda Quraanka Kariimka iyo Telfishinka Al’jasiira xafiiskiisa Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maanta lala kulmay ayaa isku afgartay islamarkaana garwaaqsaday inay meesha ka maqan tahay howshii wasaaradii warfaafinta ee dowladda fedraalka oo xiriirin laheyd warbaahinta magaalada Muqdisho iyo qeybaha ammaanka dowladda KMG ah.

Idaacadahaas ayaa waxa ay ballan qaadeen in halkaas ay ka sii wadi doonaan howl maalmeedkooda iyagoo weli sii wadaya u shaqeynta codka xorta ah iyo dadwayanaha Soomaaliyeed.

 
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More
 
 
 
 
 
Dagaalkii 77 (godey)
 
Archive
Su Mo Tu We Th Fr Sa
12 3 4 5 6
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031