Dagaalo la isku habeensaday oo waliba la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan una dhaxeeya ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda iyo xoogagga wax iska caabinta Somalia ayaa wali ka soconaya xarunta dalka Somalia ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiic xoogan lala beegsanayo goobaha dadka rayidka ay dagan yihiin.
Dagaalka ka soconaya caawa aagagga ay ciidamada isku horfadhiyaan gaar ahaan deegaanada Jamhuuriya, Fagax iyo Jungale oo ku bilowday saakay si goos goos ah ayaa galinkii dambe ilaa caawa waxa uu ku soconayaa qaab xoogan.
Wararka laga helayo goobaha dagaaladu ay ka dhacayaan ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka soconeyso goobahaasi duqeyn dhinaca madaafiicda BM ka ah oo ciidamada Ethiopia ay ka soo tuurayaan dhanka Madaxtooyada.
Sida ay ku warameen dad goobjoogayaal ah, in ka badan toban madfac oo BM ah ayaa waxaa lagu garaacay xaafado badan oo ka fog goobaha lagu dagaalamayo sida degmooyinka H/wadaag iyo W/dhiigleey.
In ka badan 40 ruux ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhaawacmeen weeraro madaafiic ah oo wali ka soconaya caasimadda Somalia, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka.
Saraakiisha caafimaadka Isbitalka Madiina oo shabelle la xiriirtey ayaa waxa ay sheegeen in saacadihii la soo dhaafay isbitaalka la keenay ilaa 21 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan, halka Isbitalka Keysaneyna la dhigay 12 ruux oo dhaawac ah.
Isbitalka Madiina oo ay ka bateen dhaawacyada ayaa waxaa laga dhex dhisay isbitalkaasi teendhooyin lagu xanaaneeyo dhaawacyada.
Dhowr hoobiye oo ku soo dhacday deegaanka Sheekh Suufi ee agagaarka xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ku nafwaayay cunug yar halka todobo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo madaafiicdaasi ay qeyb ka ahaayeen madaafiic dhowr ah oo maanta ku dhaceysay qeybo ka mid ah caasimadda Somalia.
Dagaalka ka soconaya caasimadda Somalia ayaa waxa uu u muuqanayaa mid ku sii fidaya caasimadda, waxaana sidoo kale ka soconaya caawa magaalada Muqdisho madaafiic xoogan oo ay isku ridayaan labada dhinac, iyadoo ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh xarunta Villa Somalia ay ridayaan madaafiic.
|