Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More
 
Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• AnasAutoTrader.com
• All Ceeldheer.com
• Amin Arts.com
• All Somalia.com
• Aflax-online
• Aayaha.com
• Axadle.com
• Bartamaha.com
• Banaadir.org
• Baraawe Post
• Biyokulul.com
• Cayaaraha.com
• Ceelbuur online
• Calanka.com
• Dhanaan.com
• Dhagaweeyne
• Diinsoor.com
• Dadkeyga.com
• Jamaame.com
• Gandershe.com
• Goobjoog.Net
• Halgan.Net
• Hiiraan.com
• Idamaala.com
• Markacadey
• Markacadey.net
• Mugadishocity
• Onkad.com
• Qaadisiya.com
• Qaranimo.com
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Siinay.com
• Somaliroots
• OsmanArts.net
• Somalitalk.com
• Somali weyn
• Somali post
• Xeebta.com
• Xiddigaha.com
• Xamardaye.com
• Xurnimo.com
• Wadanka
• Yaqshid.com
• Ayaamaha
• Aayatiin.net
• Godey News
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
Need to learn about Voip
 
DAGAALO KA CULUS KUWII HORE OO MAALINTII 5aad KA OOGAN MUQDISHO.

Posted to the Web Apr 23, 09:30

 

Dagaalo ka xoog badan kuwii afartii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacayey Magaalada Muqdisho ayaa aroornimadii hore ee saakay markale dib uga qarxay aagaga ay isku hor fadhiyaan labada dhinac.

 

Dagaaladan oo galay maalintii 5aad, ayaa waxa ay si xoog leh uga socdaan xilligan aagaga Hotel Towfiiq, Xaafadda Jamhuuriya iyo aagaga ku dhow dhow ee maalmahan lagu dagaalamayey, halkaasi oo ay si daran markale isugu fara saareen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopian-ka oo dhinac ah iyo Kooxaha ku kacsan ee hubka qaatay.

 

Madaafiic daran-doori ah ayaa lagu garaacayaa xarumaha Dowladda iyo Ethiopian-ka sida xarunta Villa Somalia iyo goobo kale, iyadoona Madaafiic kuwaasi ka culus oo u badan BM, islamarkaana ay Ethiopian-ku soo ridayaan ay ku dhacayaan xaafadaha Magaalada.

 

Xaafadaha ay sida roobkii ugu hoobanayaan Madaafiicda ayaa waxaa ka mid ah Towfiiq, Fagax, Ex-control Balcad, SOS iyo qaar kale oo u gudbaya dhanka Degaanka Suuqa-Xoolaha.

 

Waxaa jira khasaaro nafeed oo ay geysanayaan Madaafiicdan aan kala go'a laheyn ee sida indha la'aanta ah loogu garaacayo Xafaadaha Muqdisho, balse waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah Dagaalada holcaya aawadeed.

 

In ka badan Boqol ruux oo rayid ah ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay Dagaalada xoogga leh, halka dhaawacuna uu sare u dhaafayo Boqolaal kale, iyadoona Kumanaan qoys ay isaga carareen guryahooda, islamarkaana ay haatan daadsan yihiin banaanada ku yaala duleedka Muqdisho.

 

Dagaalada Muqdisho oo sii kululaanaya maalinba maalinta kasii dambaysa, ayaa waxaan muuqan dadaalo lagu daminayo dirirta oogan, marka laga reebo Odayaasha Beelaha Hawiye oo shalay sheegay inuu jiro xiriir ay lasoo sameeyeen Saraakiisha Ethiopian-ka oo ka dalbaday in xabadda la joojiyo.

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More
 
 
 
 
 
Dagaalkii 77 (godey)
 
Archive
Su Mo Tu We Th Fr Sa
12 3 4 5 6
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031