Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• AnasAutoTrader.com
• All Ceeldheer.com
• Amin Arts.com
• All Somalia.com
• Aflax-online
• Aayaha.com
• Axadle.com
• Bartamaha.com
• Banaadir.org
• Baraawe Post
• Biyokulul.com
• Cayaaraha.com
• Ceelbuur online
• Calanka.com
• Dhanaan.com
• Dhagaweeyne
• Diinsoor.com
• Dadkeyga.com
• Jamaame.com
• Gandershe.com
• Goobjoog.Net
• Halgan.Net
• Hiiraan.com
• Idamaala.com
• Markacadey
• Markacadey.net
• Mugadishocity
• Onkad.com
• Qaadisiya.com
• Qaranimo.com
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Siinay.com
• Somaliroots
• OsmanArts.net
• Somalitalk.com
• Somali weyn
• Somali post
• Xeebta.com
• Xiddigaha.com
• Xamardaye.com
• Xurnimo.com
• Wadanka
• Yaqshid.com
• Ayaamaha
• Aayatiin.net
• Godey News
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
Need to learn about Voip
 
DAGAALADII UGU XUMAA 1991-KII KA DIB OO XALAY MUQDISHO KA DHACAY

Posted to the Web Apr 18, 11:12

Dagaalo kuwii ugu qaraaraa oo la isku adeegsaday Madaafiicdii ugu waaweyn ayaa xalay markale ka dhacay aagaga ay isku horfadhiyaan Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kacdoonsan ee kasoo horjeeda, qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

 

Daryanka Madaafiicda BM-ka iyo Hoobniyayaasha oo ay la socdaan rasaasta xoogan ee daran-dooriga u dhacda ayaa mar qura laga wada maqlay Agagaarka Stadium-Muqdisho, Towfiiq, Fagax ilaa Isgoyska Florance ee degmada Wardhiigley, ka dib markii ay si fool-kafool ah ay isku fara saareen Ciidamada labada dhinac ee mudooyinkanba aagagaasi isku hor fadhiyey.

 

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee Dagaaladii xalay ay geystay aan ilaa iyo haatan la qiyaasi karin ayaa waxaa inta la ogyahay tirada dhimashada ay kor u dhaafaysaa ilaa Lix ruux, halka dhaawacuna uu ka badan yahay Labaatameeyo ruux oo rayid ah.

 

Xaafadaha Xamar-bile, Xaralyaale, Baar Ubax, Baar Ayaan iyo qeybo ka mid ah Suuqaweyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ku dhacayey Madaafiic aad u fara badan, iyadoona madaafiicdaasi inteeda badan laga soo tuurayey Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, ka dib markii lagu weeraray Madaafiic dhowr ah.

 

Isbitaalada Magaalada gaar ahaan Isbitalka Madiina iyo Keydsaney ayaa waxaa saakay ku qul-qulaya dhaawacyada dadka rayidka ah ee xalay wax ku noqday dagaalada,iyadoona ay Isbitaalada gabaadsi ka yihiin Dawooyinka lagama maar-maanka ah.

 

Qoysas badan oo dhabarka ku sita caruurtooda islamarkaana gamcaha iyo Madaxa ku wata alaabo yar yar oo Joodariyaal u badan ayaa saakay la arkayaa iyaga oo kasii firxanaya Magaalada Muqdisho, si ay uga badbaadaan Dagaalada aan dhamaaneyn ee ka oogan Caasimadda.

 

Magaalada Muqdisho oo mushkiladihii ugu darnaa ay haatan ka oogan yihiin, xalayna dagaalkii dhacay uu noqonayo kii ugu weynaa ee ka dhaca ilaa 1991-kii ayaa wali waxa laga cabsi qabaa dagaalo kale oo daqiiqad kasta ka qarxa,marka loo eego dhaqdhaqaaqyo ciidan oo wali ka jira Caasimadda

 
 
 
 
 
 
Dagaalkii 77 (godey)
 
Archive
Su Mo Tu We Th Fr Sa
12 3 4 5 6
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031