ADDIS ABABA - Iyadoo Madaxweynaha Dowladda Meel ku gaarka uu tagay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, ayaa warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan ujeedada ka dambeysa safarkiisa.
Col. C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa ilo-wareedyo ku dhow dhow waxa ay sheegayaan inuu R/wasaare Meles Zenawi hordhigay dacwad ka dhan ah R/wasaare Cali Maxamed Geeddi, isagoona ku eedeeyey inuu ku tuntay xuquuqdiisa Madaxweynanimo.
Qodobada uu Col. Yuusuf u gudbiyey Meles oo uu ku eedeynayo Geedi ayaa waxaa ka mid ah, In R/wasaare Geeddi uu ka eexday Prof. Buubaa oo xilkiisii wasiirnimo si khalad ah uga qaaday ka dib markii uu Geedi u hiiliyey Safiirkiisa Kenya Cali Ameeriko oo ay Buubaa is qabteen, waayo Col. Yusuf waxa uu Buubaa u hayey hawl la doonayey in xilka Safiirnimo ee Kenya loo magacaabo Mas'uul beeshiisa ah.
R/wasaare Geedi, ayaa waxa uu ku eedeeyey Col. Yuusuf inuu Lixdameeyo ruux si sharci darro ah ku dhoofiyo ka dib markii uu ka qaato dhowr Kun Dollar, islamarkaana uu ku daro Waftigiisa
Sidoo kale C/laahi Yuusuf waxa uu ka gudbiyey Geeddi in uu isaga isku koobo Kharashka taageerada ah ee ay Dowladdu ka hesho Hay'adaha gar-gaarka.
Dhanka kale warar hoose oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda meel ku gaarka uu haatan qorshaynayo sidii uu R/wasaare Geeddi ugu badeli lahaa Cali Mahdi Maxamed, islamarkaana ujeedada safarkiisa ay qeyb ka tahay sidii uu arintaasi ugala soo hadli lahaa Meles Zenawi.
|