Muqdisho,26,February-07 ( Boondheere.com) Warar iminka inaga soo gaaray Magaalada ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor Qarax uu ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasoo fariisin u ah qaar katirsan Shaqaalaha Tikreega.
Qaraxan oo aan la garaneyn siyaabaha uu ka dhashay ayaa warar qaar waxa ay sheegaan inuu geystay gaari Ruenet ah oo sida la sheegay walxaha qarxa soo tuuray taasi oo lagu qiyaasay in uu ahaa Bam Gacmeed.
Ma cada ilaa iyo hada qasaaraha uu geystay qaraxaas, waxayse Goob joogayaal ku sugan Isgosyka Siinaay sheegayaan in ay indhahooda ku arkeen dhaawaca ciidamo Boolis ah oo katirsan Shaqaalaha Tikreega iyo dad kale oo kor u dhaafaya 5-ruux.
Wariyeyaasha kusugan Magaalada Muqdisho ayaa kusoo ramaya in khasaaraha u uisa soo tarayo hayeeshee waxa ay xaqiijiyeen in lala dan lahaa qaraxaasi shaqaalaha Tikreega ee iyagu halkaasi kusgan.
Dhibaatadani loo geysanayo Shaqaalaha Tikreega ayaa sida muuqata kusoo beegmeysa xilli inta badan Culumada Soomaaliya ugu waaweyn ay shaaciyeen in la dili karo cid allaale cidii gaalo la shaqeysa isla markaana dhiigooda uu yahay mid aanan kasoo qaad laheyn iyagoo intaasina sii raaciyay in ay si dhaqso ah ku tawbat keenaan dadkaasi Gaalada la shaqeeya.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena Dambe
|