12/1/2007, Muqdisho: Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay iska hor imaad ka dhacay Maanta xarunta Villa Somalia, kaasi oo dhexmaray Maleeshiyada Maxamed Qanyare iyo kuwa Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed xilli ay nka soconayeen goobtaasi heshiisyo la xiriira in ay hogaamiyayaashaasi hubkooda ku wareejiyaan Dawladda kumeel gaarka Soomaaliya Isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan dawladaasi haatan muqdisho jooga oo la sheegay in ay iska afgarteen.
Wararku waxay sheegayaan in inta badan maydka daadsan goobtaasi ay yihiin Maleeshiyadii Maxamed Qanyare oo iyagu aan labisnayn ama aan haysan dirayska lagu yaqaano Ciidanka Dawladda kumeel-gaarka ee Cabdulaahi Yusuf waardiyaha u ah, waxaana Maxamed Qanyare uu ku tilmaamay dhacdadaasi xasuuq ay Dawladdu gaysatay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Qabqablayaal kale ay sidoo kale ku jiraan Maleeshiyooyinkoodii kuwa dhintay.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilawday kadib markii ay halkaasi ku mur meen labada Maleeshiyo ee ka kala socday Cabdulaahi Yusuf iy Maxamed Qanyare.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah dhaawaca Qanyare loo diiday in la qaado sida uu sheegay afhayeen u hadlay Maleeshiyadaasi oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Warsame.
|