12-Janaayo-2007
Ciyaaryahanka caanka ah David Beckham ayaa ka tagaya kooxdiisii Real Madrid markuu dhamaado kontaragtigiisa, isagoo u ciyaari doona kooxda Major League Soccer-club ee Los Angeles Galaxy ee dalkaMareykanka (USA).Beckham ayaa kula heshiiyay kooxdan in uu u ciyaari doono 5-sano, isagoo qaadan doona mudadaa lacag gaareysa 1,6 malyan oo dollarka mareykanka ah, sida ey sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Real Madrid ayaa rabtay in ey ugu darto 2 sano oo hor leh, balse lasiiyay waqti uu uga soo fekero in uu usii dheeli doono iyaga iyo in kale, waxa uuna go`aansaday Beckham in uu ka tago kooxda uu iminka u ciyaaro ee Real Madrid.David Beckham ayaa kusoo biiray kooxda uu iminka ka tagayo ee Real Madris sanadii 2003, isagoo markaa kasoo tagay kooxda Manchester United oo ah koox kasoo jeeda wadanka uu udhashay Beckham ee Ingriska halak Real Madrid laga leeyahay dalka Spain.
Kooxdan cusub ayaa waxa uu u bilaabi doonaa ciyaarta Beckham bisha Agosto ee fooda inagu soo haysa. |