|
 |
|
|
Saacadu markaay ahaayt 10:00-kii fiidnimo ayay aheyd markii Qaraxyo isdaba joog ah lala beegsaday gawaari kolonyo ah oo ay saranaayeen ciidamo Itoobiyan ah xili ay marayeen wadada dheer ee Ex-koontarool Balcad. Dagaalka ayaa ahaa mid soconayay mudo lagu qiyaasay halsaac isagoo soo gabangaboobay 11:00- kii habeenimo saacada Muqdisho, waxana labada dhinac ay isweydaarsanayeen rasaas aad u farabadan, waxana la isku adeegsaday qoryaha fud fudud iyo kuwa cul culus ee darandooriga u dhaca.
Gawaaridan ayaa xiliga dagaalka lagu qaaday waxa ay ahaayeen kuwo si xowli ah ku socda iyadoo dabley hubeysan oo ku sugnaa laamiga meel aan sidaa uga fogeyn ay mar qura la beegsadeen sadex Baasuuke oo ku kulmiyeen halgaari oo ah kuwa loo yaqaano Uuraalka oo siday ciidamo Itoobiyan ah, waxana halkaasi waxyeelo balaaran oo aan la qiyaasi Karin ka soo gaartay ciidamadi Itoobiyanka ahaa
Lama xaqiijinkaro tirada ciidamada ka dhintay Itoobiyanka marka laga reebo warar laga helayo dadka deegaanka oo sheegaya inay indhahooda ku arkeen 4 mayd Itoobiyaan ah oo yiilay laamiga iyo gaariga Uuraal ah oo ku gubtay bartamaha laamiga, inkastoo aan warar dheeraad ah laga helikarin halkii uu ka dhacay shilkaasi oo ilaa iyo haatan ay ku gedaaman yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG. Gaariga gub
|
|
|
|