Web HostingReliable, Affordable Hosting Plans
 
Kids Islam Histories
Qura'an Translation
Al-Jebra Learning
Reading Qur'an
Somali History
Somali Songs
Web Design
Maqaalo
• Amin Arts.com
• Aflax-online
• Banaadir.org
• Calanka.com
• Gandershe.com
• Hiiraan.com
• Hobyonet .com
• Somali Sports
• Somali Jaceyl
• Sosca.ca
• Somaliroots
• Somali Cartoons
• Somalitalk.com
• Somali Sports
• Somali post
• Somali Net
• Ayaamaha
• ayahanolasha
• Qaranpress
• Somali Press
• Worldcup History
 
 
 
 
 
C/Salaan Caddaay oo ah wiil da'yar oo uu dhalay garsoore caalami ah C/Qaadir Caddaay oo usbuucii tagay tababar tijaabo ah "Trial" u joogay kooxda Blackburn ee dalka Ingiriiska ayaa ay kooxdu ka codsatay in uu soo laabto bisha December gudaheeda.

Aabaha dhalay wiilkan 16 jirka ah una safta xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Norway kuwooda ka yar 17 ka sano oo la socday wiilkiisa xiligii uu tijaabada u joogay kooxdan ayaan wax ka waydiinay sidii ay kooxdu u aragtay wiilkan soomaaliyeed ayaa ku jawaabay,

"Runtii aad ayey uga heleen labadii cayaartoy oo uu wiilkaygu ka midka ahaa kana yimid dalka Norway waxayna C/Salaan ka codsadeen maadaama ay la dhaceen in uu mid labaad u soo laabto bisha December ee sanadkan si bay yiraahdeen aan si fiican u sii barano".


Adiga waalid ahaan iyo waliba wakiil ahaan waa sidee rajada aad ka qabto C/Salaan in uu ka mid noqdo kooxaha waawayn ee qaaraddan Yurub? ayaan waydiiyey garsoore Caddaay waxa uuna yiri,

"Marka hore waxaan jeclahay in aan halkan ka caddeeyo sida aan ugu faraxsanahay wiilkayga heerka wanaagsan ee uu ka marayo cayaaraha, midda xigta rajada aan ka qabo C/Salaan aad ayey u saraysaa waana mid soo iftiimaysa maadaama aan ilaa iyo hadda la kulanay kooxo waawayn oo ka tirsan dalka Norway iyo waliba dalalka kale ee qaaradda oo ay kooxdani ugu dambaysay kuwaasoo dhamaantood ku tilmaamay cayaartoy aad u wanaagsan nasiibka iyo calafka se ilaah baa haya".
Ma jiraan kooxo kale oo ayagu arkay xiddigan oo laga yaabo in aad sidaasoo kale tijaabo u tagtaan ayaan sidoo kale waydiiyey garsoore Caddaay waxa uuna ka yiri,

" Haa way jiraan oo waxa uu maanta oo axad ah tijaabo u tagayaa kooxda Lilestrum oo ka mid ah kooxaha ugu waawayn dalkan aanu ku noolnahay ee Norway, haddii alaha awoodda lihi ogolaadana waxa uu sidoo kale casuumaad ka helay kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska oo aanu bisha Janaayo ee sanadka soo socda aan tagi doono".

Waalid ahaan ama khabiir ahaanba sideed u aragtaa kaalinta waalidku ku leeyahay barbaarinta ubadka gaar ahaan cayaartoyda iyo waliba horumarkoodaba ayaan ugu dambayntii waydiiyey garsoorihii hore ee dalkeena C/Qaadir Caddaay oo asagu u muuqday mid aad ugu faraxsanaa guusha wiilkiisa waxa uuna si degan u yiri,Waalidku waa lafdhabarta barbaarinta ubadka dhinac kasta inkastoo aad moodid in waaliddiinta soomaaaliyeed ka gaabiyeen waajibaadkaasi qaarkood gaar ahaan dhinaca cayaaraha, waxaana aad ugu badan bulshadeena dhalinyaro aad ugu wanaagsan cayaaraha hadana aad arkayso asagoo shaqo ama balwad u leexday tasoo aan aaminsanahay in kaalintii waalidku uu ku taageeri lahaa ubadkiisa waxa uu jecelyahay ay meesha ka maqnayd sababtayna in cayaartoygii mustaqbalka lahaa uu halkaas ku baaba'o. Waxaan kula talinayaa waaliddiinta soomaaliyeed in ubadka lagu dhiirigeliyo cayaaraha waayo dhibaatooyin badan ayey ka horjoogaan ubadkeena ayadoo sidoo kalena waalidka looga baahan yahay in aysan afka kaliya ka taageerin ee ay hada iyo goor agtooda joogaan si ay dhalintu u hesho kasoonida waalidkooda".
C/Salaan C/qaadir Caddaay ayaa asagu haatan u muuqda cayaartoy mar dhaw haddii alaha awoodda lihi u ogolaado ka muuqan doona fagaaraha kubadda cagta ee qaaraddan Yurub anagoo si joogta idiinla soo soscodsiin doona horumarka xiddigan. by: Mahmud Ismail


Web HostingReliable, Affordable Hosting Plans