Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horeysay shalay khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG iyo Saraakiishii hore ee Xooga Dalka.
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxa uu ku wargeliyey saraakiisha in Gobalka Banaadir laga bilaabo doono hawlgalo adag oo amniga Caasimadda lagu sugayo, islamarkaana xasiloonidii luntay loogu soo dabaalayo.
"Saraakiishiina waxaan idin sheegayaa in hawlgaladu ay bilaaban doonaan cidii Dowladda kasoo horjeesata waa in gacan bir ah lagu qabtaa" sidaana waxaa yiri Maxamed Dheere.
Sida ay Ilo Saraakiil ah ku waramayaan Maxamed Dheere ayaa intaasi sii raaciyey "Cidii aan Cid Toogan karin Ciidanka maxay ugu jirtaa ha iskaga baxdo".
R/wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wareegto uusoo saaray dhawaan ku magacaabay Maxamed Dheere inuu noqdo Gudoomiyaha Gobalka,iyadoona xilkaasi uu horay u hayey Cadde Gaabow.
Maanta ayaa la filayaa in Xaflad xilka si rasmi ah uu kula wareegayo Maxamed Dheere ay ka dhacdo Xarunta Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho |