Xaflad lagu so dhaweynayey gudoomiyaha cusub ee gobolka banadir isla markaana ah duqa magaalada muqdisho, lagune sogootinayey gudoomiyihii hore ee jagooyinkaa hayey mudane Maxamuud Cali Xasan ( Cadde Gaagob ) ayaa lagu qabtey xaruntii hore ee gobolka banadir halkaas oo aan wax xaflad ah lagu qaban in ka badan 16 sanandood.
Ganaraal cabdi xasan cawaale ( qeybdiid ) oo ah taliyaha ciidanka boliska somaliyeed ayaa lagu wareejiyey 10 gaadiidka tiknikada ah iyada oo loogu tala galay socodsiinta howlaha amnaaka loogu sugayo gobolka banadir .
Maxamad Cumar Xabeeb “Max'ed Dheere” ayaa waxaa uu sheegay in ay ku wareejiyeen ciidamada booliska baabuurtani isla markaana ay donayaan in booliska uu ku holw galo dhawaan. Wuxuuna intaa raaciyey in aan la ogoleyn in hub lagu dhex sito magaalada.
Gaadiidkaan tiknikada ah ayaa waxaa ka gudoomay maxamed dheere ugu horeyntii wasiirka arimaha gudaha Maxamad Maxamud Guuleed “Gacma dheere iyadoo markaa kadibna lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada booiska Soomaaliyeed genaraal Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid.) oo isagu qaatey furayaashii gaadiidka. |