Muqdisho,10,February-07 ( Boondheere.com) Waxaa Duhurnimadii Maanta sidoo kale weerar lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu tuuray Dhowr Madfac oo laga riday Qoriga loo yaqaano Hoobiyaha.
Madaafiicda ayaa waxa ay kudhaceen Qeybo kamid ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana xilligii uu kudhacayay garoonka Madaafiicdaasi fadhiyay Diyaarad isku diyaar gareysay in ay duusha oo rakaab siday.
Diyaaraddii ayaa horey ka carartay iyadoo maareeyaha garoonkaasi mar aanu la xiriirnayna uu inoo sheegay in Hawlaha Garoonka uu si caadi ahu kala socda hayeeshee Wariyeyaal katirsan Shakabadda Qaadisiya oo kudhexjiray Xilligaasi Gudaha Garoonka ayaa cadeeyay in durba wixii garoonka kusugnaa oo diyaarad ahaa iyo wixii shaqaale ahaa intaba ay mar keliya kala carareen sidaasina hawlihii halkaasi kasocday ay hakad ku galeen.
Majirto wax dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha inkastoo Argagixii ugu weynaa uu Maanta kudhacay Shaqaalaha Tikreega iyo Ciidamada Tikreega khudhooda ee kusugan gudaha Garoonka, waxaana la Xaqiijiyay in Albaabka hore ee laga galo garoonka uu kudhacay Mid kamid ah Madaafiicda inkastoo baqtiga Tikreegu aanu weli naloosoo sheegin, waxaana jirta in Madaafiicda Qaar ay kudhaceen Xaafadaha kale ee kudhaw Garoonka Diyaaradaha.
Waxaa durba sida caadada ah ay ciidamo soo dhigeen Xabashida Hawlgalka kadib Waddooyinka gala Garoonka iyadoo Shacabkii Caadiga ahaana loo diiday in ay waddooyinkaasi isticmaalaan.
|