Dagaal aad u kharaar oo uu soo Qaaday Milkiilihii shirkadii albarakaat Axmed Nuur Jimcaale, kuna soo Qaaday Ciidanka Dowlada ayaa caawa ka dhacay Jidka Warshadaha iyo inta u dhaxaysa Warshada Baastada oo ah Goobaha ay Madaxdii Maxaakimiintu Deganaan jireen.
Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid aad u qorshaysan oo ay soo abaabuleen haraadigii Midowgii Maxaakimiinta oo iyagu qas iyo fowdo ka waday maalmahaanba Magaalada Muqdisho, waxaana ay Xabada ka dhacda qoriga Baasuukaha ku soo rideen ciidamadii Dowlada Federaalka ah oo markaa wadada marayay, iyagoo ka dibna adeegsaday rasaas ay ka soo ridayeen qoryaha fudud iyo kuwa darandooriga u dhaca.
Maleeshiyaadkaan Axmed nuur Jimcaale ayaa la sheegay inay Dowlada Federaalka ahi ay uqorshaysnayd inay barito baaraan degaankooda oo hubka ka soo dhigaan, iyada oo dhinaca kalana laga warhayay hubka faraha badan ee aagaas Maxaakimiintu ay hore u daganaayeen ku jiray.
Dagaalkaan ayaa la sheegay in uu socday waxoogaa waloow ujeedada Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ahayd qorshe dagaal oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, amaba inay xasilooni daro galiyaan aaga ay ku suganyihiin si aan barito marka ciidanka dowladu imaanayaan aan loogu soo deg degin.
Dhinaca kale khasaaraha labada dhinac ayaan wali si sax ah loo hayn maadaama weerarka dagaalku uu goor habayn ah dhacay, warbixinta kaliya ee ilaa iyo hada lahayo ayaa ah in Maleeshiyaadkaasu ay wateen 1 tikniko ah oo ah Baabuurka looyaqaan Cabdibilaha .
|