|
 |
3000 Madfac oo Muqdisho Shalay Lagu Rusheeyey: Muqaawamadda Oo Weli Moraalkoodu Sareeyo |
22-04-2025
|
Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa shalay in ka badan 3000 oo madfac u qaybiyey magaaladda Muqdisho. Madaafiicdan oo si arxan la'aan ah loo aan kala sooc lahayn loogu rushaynayey Muqdisho ayaa ujeedadadda laga lahaa ahayd in lagu niyad jebiyeo xoogaga xaq u dirirka, taasoo waxba u dhimin moraalka iyo awooda dagaal ee xoogaga iskacaabinta.
inta la ogyahay ilaa haataan ku dhowaad 100 ruux oo rayad ah ayey madaafiicdaas oo sida roobka oo kale u dhacaysay dileen iyagoo geystay dhaawac aan ilaa haatan tiradiisa dhabta ah la ogayn. Xoogaga iskacaabinta ayaa hal ruux oo keli ah ka dhintay, iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo ay sameeyeen ciidanka Itoobiya dhinaca dhulka.
Iskuday ay damceen in ay kusoo galaan dhinaca Xaliimo Hayte ee Kaaraan, halkaasoo dib loo riixay. Shalay casarkii ayey kusoo dhowaadeen Hotel Ramadaan oo xalay dib looga riixay iyagoo haatan ku sugan aaga Hotel Al-xaramayn. Madaafiicda ayey maanta u ridayaan si ka yasiran sidii shalay. Ciidankan Itoobiya ayaa si daalan oo niyad jab wayn ka muuqda madaafiic isaga qufaya, iyagoo wax horumar ah ka samayn la'a dhinac dhulka
|
|
 |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line Read More |
|
 |
 |
 |
|
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|
 |
 |
 |
|