

Sargaal katirsan ciidanka nabad sugidda dowladda KMG ah oo goordhow lagu dilay Suuq Bacaad.
War goordhow aan ka helnay deegaanka Suuq Bacaad ayaa shegaya in goordhow halkaasi lagu dilay sargaal katirsan ciidanka nabad sugidda dowladda KMG ah.
Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa geystay dillka sargaalka oo lagu magacaabo Cabeysane kaas oo caan ka ah deegaanka Suuq Bacaad.
Sargaalka la dilay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ciidanka canshuuraha ee dowladda KMG ah, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa.
Sida wararka nagu soo gaarayaan xaaladda deegaanka Suuq Bacaad oo ah halka uu falku ka dhacay ayaa iminka kacsan, waxaana goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda KMG ah kuwaas oo baaritaano ka wada deegaanka.
Tacshiirad aan loo meel dayin ayaa la soo sheegayaa inay ciidanka dowladda KMG ah ku furayaan dadka ku dhaqan deegaanka Suuqa Bacaad.
Dilka loo geystay sargaalkaan ayaa qeyb ka ah dilal badanaa loo geysto saraakiisha ciidanka dowladda KMG ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya.
Comments (0 posted):
Post your comment