Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Xildhibaanada barlamaanka oo ku sii qulqulaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

    Xildhibaanada barlamaanka oo ku sii qulqulaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

    Font size: Enlarge font

    Xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa si raxan-raxan ah u gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo saacadihii ugu dambeeyay ay gaareen in ka badan 80 xildhibaan kuwaasoo ka kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo dalalka dibadda.

    Xildhibaanadan ayaa durba laga dareemayaa goobaha la isugu yimaado aragtidooda, waxaana saacad kaddiba la arkayaa xildhibaan cusub oo ku soo biiraya kuwii horay u joogay magaalada Nairobi, isla markaana waxaa billowday kulamo gooni gooni ah ay u qaadanayaan oo ay uga hadlayaan waxyaabaha iyaga la tahay inay u tageen halkaasi.

    Hoteellada qaarkood ee ku yaalla halkaasi ayaa waxaa ay noqdeen kuwo si aad ah ay u buux dhaafiyeen, waxaana ilaa iyo hadda tiradu ay maraysaa in ka badan 80 xildhibaan oo isugu jira rag iyo haween oo ay ku jiraan qaar si weyn looga yaqaan Soomaaliya.

    Xildhibaanadan ayaa waxay qeyb ka yihiin labada gole ee dawladda federalka Soomaaliya iyo madaxdooda sar-sare oo looga yeeray magaalada Nairobi kuwaasoo lagu wado inay kulamo wada tashiyo ah oo aan ujeedadiisa la garan ay la qaataan madaxda urur goboleedka IGAD oo casuumaadda u fidiyay dawladda federalka Soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    janaqow on 14 October, 2008 08:05:24
    ragga doofaareey lagu dhoodhoobey uma arko shaqsiyaad sumcad ku leh dadkooda iyo diintooda ee waa caado qaatayaal uu ugu horeeyo ina yeey,marka ha leyska ilaaliyo mar kale yeynaan masraxa soo korin wabilaahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0