Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo guddi culimaa’udiin u saaray dhameynta khilaafaaddka u dhexeeya.

    Xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo guddi culimaa’udiin u saaray dhameynta khilaafaaddka u dhexeeya.

    Font size: Enlarge font

    Waxaa shalay gelinkii dambe magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xubno caan ka ahaa oo ka tirsanaa madaxdii midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed kaasoo ay uga hadleen xubno ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo kulan ay isla shalay ku yeesheen Muqdisho ku sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii golaha Fulinta ee Maxkamadaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isla markaana ay xilkaasi u magacaabeen Sheekh Cumar Iimaan.

    Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Fulinta Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah masuulka ugu sarreeya midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horreyn uga tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliyeed hadallada aan wanaagsanayn ee dhagahooda soo gaaraya ee la xiriira khilaafka u dhexeeya Maxkamadaha Islaamiga.

    Sheekh C/qaadir Cali Cumar wuxuu qiray in xubno ka tirsanaan jiray maxkamadaha Islaamiga ay wadaan khilaafka u dhexeeya maxkamadaha Islaamiga, isagoo uga digay in xubnahaasi ay ka waantoobaan qorshayaasha ay wadaan isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo sharafta MIdowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

    "Madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed waxay weli u dhisan yihiin sidii horay u dhisnaayeen, guddoomiyaha Golaha Shuurada waa Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiyaha Fulintana waa Shariif Xasan Sheekh Aadan" ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/qaadir Cali oo intaasi ku daray in madaxdaasi Maxkamadaha lagu beddeli karo oo kaliya kulan guud oo ay isugu yimaadaan Golaha Shuurada ee MIdowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

    Sheekh C/qaadir Cali Cumar wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay doonayaan inay isugu keenaan madaxda sar-sare ee Midowga Maxkamadaha islaamiga, iyadoo kulankii ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yemen iyo kan ay dhowaan ku yeesheen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay hordhac kulamo kale oo la doonayo in laysugu keeno isla markaana lagu dhameeyo khilaafka soo kala dhex galay madaxda iyo xubnaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    ahmed on 13 October, 2008 07:37:54
    Shariif Xassan Sheikh Aadan iyo Sh Shariif Sheikh Ahmed maxaa la iskugu qaldaaaaa ?

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0