Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | sports | Kooxda kubada cagta London Stars ayaa kulamo saaxiibtinimo uga ambabaxaysa dalka Gambiya

    Kooxda kubada cagta London Stars ayaa kulamo saaxiibtinimo uga ambabaxaysa dalka Gambiya

    Font size: Enlarge font

    Kooxda kubada cagta London Stars ayaa kulamo saaxiibtinimo uga ambabaxaysa dalka Gambiya
    London 11/01/2025 Kooxda kubada cagta London Stars ayaa 28 Janaayo 2009 ka dhoofi doonto magaalada London iyagoo ku sii jeeda dalka Gambiya, kadib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah xiriirka kubada cagta dalka Gaambiya.
    Kooxda London Stars ayaa ah koox ka dhisan dalka England gaar ahaan magaalada London galbeedkeeda, isla markaana ay u dheeleen laacibiinta ugu wanaagsan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxaana macalin u ah kooxda macalin Dahir gacanay oo ka tirsanaa ciyaartooydii heerka kowaad ee dalka Soomaaliya gaar ahaan kooxda dowlada Hoose magaalada Muqdisho ka hor burburkii dalkeena.
    Kooxda London stars oo haysata inta badan koobabka loo dhigo magaalooyinka London, Sweden iyo Canada isla markaana ah kooxda ugu shacbiyada badan kooxaha Soomaalida qurba joogta marka laga reebo kooxda Holand oo tageerayaal badan ku leh  koobka lagu qabto magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
    Sida uu Mudane Mohamed Buuwe oo ka mid ah wafdiga raaci doono kooxda London Stars  ii sheegay in kooxda London Stars ciyaaro saaxiibtinimo la yeelan doonaan xulka Qaranka dalka Gambiya iyo labo kooxood oo kale, jadwalkooduna waxa u qoran yahay sidatan:
    30/01/2009  kooxda London Stars  v xulka Qaranka dalka Gambia
    01/02/2009  Kooxda London stars  v Kooxda Steve Biko    
    03/02/2009  Kooxda London Stars  v Kooxda Brikama United
    casumadatan ayaa waxaa ka soo shaqeeyay labo wiil oo Soomaaliyeed oo dagan isla markaana ka ganacsada dalka Gambia, kooxda London stars waxaan u rajaynaynaa guul iyo inay ka soo qaataan waayo aragnimo, run ahaantiina waa tilaabo loo qaaday wadada fiican, madaama dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida wanaagsan u jecel inay dheelaan kubada cagta ay muhiim tahay in kooxaha ay xooga saaran in ay ciyaaro saaxiibtinimo iyo tartamo dhaxal gal ah  ka qayb galiyaan kooxahooda, sababtoo ah wax weyn ma soo kordhinayso in 10 sanadood oo horumar la'aan ah in waqtiga looga sii dhumiyo dhalinyarada koobab iska soo horjeeda oo lagu qabto dalalka Sweden iyo Canada xiliyada fasaxa ah, tani waxay noqonaysaa tilaabadii ugu horeysa ay qaado koox Soomaaliyeed oo ka dhisan qurbaha in ay dhalinyarada kooxdooda oo kaliya  ay u wadaan dal ka baxsan Yurub isla markaana ciyaaro saaxiibtinimo la soo yeeshaan ama la soo yeelan doonaan dalka kale.
    Waxaa xusuusinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta & maamulka GOS  inaysan isku dayin inay warqad ay ku carqaladaynayaan safarka kooxda London Stars aysan u dirin xiriirka dalkaas,sidii dhacday sanadkii hore mar Qurba joog Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan London iyo Stockholm ay kooxda London Stars u wadeen dalka Jabuuti, sida uu iisheegay madaxii wafdiga Qurba joogta mudane Axmed Shell.
    Soomaalida ayaa moodaa inaysan ka wada shaqayn karin danta dadka iyo dalka balse aad moodo inay caadaysteen wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimo ee dalka Soomaaliya inay xafiisyada caalamka warqado cabasho ah ku harkhiyeen iyagoo sheegaya  qofkii ka qayb galaya tartan ama shir inay ku tilmaaman looma dhama, cidna ma matalaan ee ha laga hor istaago inay ka qayb galaan, arinkaas oo ah mid aan u foolxun isla markaana hoos u dhigaya sumcadii Soomaalida lagana yaabo qofkii wax u qaban lahaa dalka Soomaaliya inuu ka niyad jabo inay wax u qabtaan dal iyo dadkiis isku mashquulsan.
    Marka waxaan dhihi lahaa ha laga gudbo is isbaaraynta ku dhisan wax iskuma qorid la'aanta ay keento damaca xun, waayo waxaa muhiim ah in la taageero qof alle iyo qofkii wax u qaban kara dhalinyarada Soomaaliyeed ee u baahan in laga badbaadiyo dhibaatada ku haysta gudaha iyo dibadaba.
    Wixii ka soo kordha tartamada kooxda London Star ugu ambabaxaysa dalka Gaambiya laga bilaabo 28/01/2025 ilaa 5 Febaraayo 2009 dib ayaan idin kaga soo qori doonaa hadii Eebe idmo.
    W/D: Yusuf Yusuf

     


         Sports Editor and SSPAMEDIA
         [email protected]
         London

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0