Nuur jiis oo ahaa ku Xigeenadii Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan kan Degmada Madiina oo Saakay Lagu Toogtay..
Nur jiis oo la sheegay in uu ka mid ahaa ku Xigeenada Gudoomiyayaasha Degmada wadajir lana sheegay in uu ahaa mid waaxdeed ayaa saakay aroornimadoo waxaa lagu Dilay meel aan ka fogayn aargada Madiina.
Ninka Dilka loo Gaystay ayaa la sheegay in uu marayay wadada waxayna wararka sheegayaan in ay koox la sheegay in ay ahaayeen Dhalinyaro ay Dilka gaysatay kuna Hubeysaanyeen Bastoolado waxaana la xaqiijiyay in goobta ay ka baxsadeen ayaga oo aan la ogayn u jeedada Dilkaasi balse ka mid ah sida la sheegaya Xafiltanka dilka ee u Dhaxeeyo dhinacyada isku haya Muqdisho.
Waxaa Durba soo buuxiyay goobtaasi Ciidamo ka soo baxay Saldhig Galbeed iyo kan Dharkeenleey waxaana la xaqiijiyay in Goobtaasi ay Xireen ayaga oo ka wada baaritaano la sheegay in ay dad ku qab qabteen ayaga oo xiray wadadaasi ka timaada madiina oo ay hakad galiyeen dadka u soo shaqa tagi lahaa Suuqa Bakaaraha.
Waxaa iska caadi Noqotay in la bartilmaameedsado Gudoomiyayaasha Degmooyinka ku Xigeenadooda kuwa waaxyaha waxaana ugu danbeeyay Gudoomiye ku Xigeenkii Yaaqshiid oo lagu weeraray bamka gacanta laga hago asaga xaaskiisa iyo ilaa 4-ka mid ahaa ilaaladiisa ay ku Geeriyoodee.
Comments (0 posted):
Post your comment