Home | News | Raisal wasaaraaha DKG mudane Nuur Cadde oo sheegay in uu jagadiis iska casili doono ...

Raisal wasaaraaha DKG mudane Nuur Cadde oo sheegay in uu jagadiis iska casili doono ...

Font size: Enlarge font

Ra`iisal wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu iska casilayo xilka ra`iisal wasaarenimo hadii lagu helayo nabad ka dhalata dalka Somaliya.

Nuur Cadde oo kasoo laabtay safar uu ku tagay isbuucii hore dalal Yurubta ka mid ah khaasatan dalka Holand ayaa shir jaraaidkiisan kaga hadlay arimo dhowr ah oo ey ka mid yihiin dib u heshiisiinta ey xukuumadiisu wado, ciidamada Itobia ee dalka Somaliya ku sugan iyo dilalka lala beegsado dalka waxgalka ah ee ey ka midka yihiin dhaqaalaha hey`adaha.

Mar uu ka hadlayay arinta dib u heshiisiinta ayaa waxa uu Nuur Cadde yiri: "Waxaa naga go`an in aan miiska wadahadalka ugu yeerno cidkasta oo Somali ah oo ey ka go`do nabadda Somaliya", wuxuuna intaa raaciyay in dalka Somaliya uu khalalaaso iyo dhib ku jiray mudo iminka ku dhow 20-sano.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Nuur Cadde ciidamada Itobia ee jooga gudaha Somaliya, wuxuuna sheegay in ciidamada Itobia ey baxayaan markii lasoo dhameystiro ciidamada Qaramada midoobay ee la sugayo, lagana war suga arinkaa.

Mar uu sidoo kale ka hadlayay cida geysata falalka lagu dilo dadka wax galka ah ayaa waxa uu yiri :"Wax fikir ah kama qabo dadka dilalka u geysta dadka waxgalka ah, laakiin waa mid lagu yaqaan muqaawinada", ayuu Nuur cadde ku yiri saxaafadda.

Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

Comments (0 posted):

Post your comment

Please enter the code you see in the image:

  • Email to a friend
  • Print version
  • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0