Home | News | Dagaaliyahano katirsan Ururka Al-Shabaab oo galabta gudaha u galay degmada Bardaale ee gobolka Bay

Dagaaliyahano katirsan Ururka Al-Shabaab oo galabta gudaha u galay degmada Bardaale ee gobolka Bay

Font size: Enlarge font

Dagaaliyahano la rumeysan yahay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa galabta gudaha usoo galay degmada Bardaale ee gobolka Bay halkaasi oo shalay meel duleedkeeda ah uu ka dhacay dagaal adag.


 Xoogaga Al Shabaab ayaa marki ay galeen gudaha magaalada waxa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo soo dhaweynayay kuwaasi oo uu meel fagaare ah kala hadlay Sheekh Roobow Abu Mansuur,afhayeenka Al-Shabaab. Waxaa lagu arkayay galabta gudaha magaalada Bardaale dhalinyaro aad u hubeysan oo sidata gaadiidka dagaalka oo kor u dhaafaya 5 kuwaasi oo wadooyinka magaalada la dhigay kuwa kalena ay joogeen meelaha laga soo galo degmadaasi.

Abu Mansur aya hadallo kala duwan u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Bardaale kuwaasi oo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan xoogaga hubeysan ee dagaalada kula jira dawladda Federaalka iyo ciidanka Itoobiya.

Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

Comments (0 posted):

Post your comment

Please enter the code you see in the image:

  • Email to a friend
  • Print version
  • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0