Xukuumada Asmara & Indhacadde Oo Maleegaya Qorshayaal
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Xukuumada Asmara ay ku wargelisay garabka ku harsan dalkeeda iney go’aan cad ka qaataan Gudoomiyayaasha Golayaasha Fulinta & Golaha Dhexe ee Isbaheysiga dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaasna shirka soo afjaraan ugu dambeyn 20-ka bishaan shirarka la sheegay iney ka socdaan magaalada Asmara.
Xogtaan, ayaa tibaaxeysa in kadib markii ay Saraakiisha sirdoonada Dalkaasi ee ku sugan magaalada Sanca ay ku wargeliyeen Madaxda Dalkaasi in shirka ka socda magaalada Sanca uu u muuqdo mid aan dani ugu jirin Dowlada Eratrea, isla markaasna ay labada ergo iskaga soo dhowaadeen inta badan qodobadii laga doodaayay, waxeyna xogtaan intaasi raacisay in Ergadaasi ay xiriir xagga khadka ah la sameeyay Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo uu u sheegay in la joojiyo shirarkaasi isla markaasna marka hore ay toobad keenaan Hogaanka sare ee Isbaheysiga iyo laga war sugo shirka haatan ka scoda magaalada Asmara, wuxuuna eedo gaar ah u jeediyay Ganacsato iyo waxgarad kale oo uu ku eedeeyay iney la safteen hogaanka sare ee Isbaheyisga dib u Xoreynta
Xiisaadan uu soo kordhiyay Indhacadde ayaa lagu micneeyay kadib markii uu ku hungoobay inuu hakiyo hanaanka wada hadalka, Shaqsigaan ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow oo wada shaqeyn ah la leeyahay Xukuumada Asmara isla markaasna uu gudaha Soomaaliya ka wado olole balaaran oo uu kaga dhaadhicinaayo Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka iney aragtidiisa taageeraan, wuxuuna todobaadkii ugu dambeeyay safro qarsoodi ah ku kala bixiyay Gobolada Bay,Bakool, Sh/hoose Galguduud & Hiiraan oo uu haatan ku sugan yahay, waxaana safarkiisa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Asmara kuwaasoo bixinaaya balanqaadyo been ah oo ay ku doonayaan iney ku jawhareeriyaan Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka ee daacada u ah Gudoomiyeyaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, inkastoo dadaaladaasi kuwoodii ugu dambeeyay uu mira dhal noqon waayay, kadib markii shaqsiyga Indhacadde la yaqiinsaday inuu shaqaale u yahay Xukuumada Asmara isla markaasna uu fuliyo awaamiirtooda.
Comments (0 posted):
Post your comment